Somali News
    Hees  

Soomaali Al-Shabaab taageerta oo lagu xukumay saddex sano oo xariga ah

Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Soomaali Al-Shabaab taageerta oo lagu xukumay saddex sano oo xariga ah

Maxkamadda dambiyada ee magaalada London ee xarunta ingiriiska ayaa xukun saddex sano ah ku ridday labo wiil oo soomaali ah oo lagu kala magacaabo Mohammed Sabir Ali and Mohammed Shafiq Ali kuwaas oo bishii april ay soo xereen waaxda sirdoonka dalka ingiriiska kadib markii ay dhageysteen tiliifanno ay ku hadlayeen.

Labadan wiil oo ah kuwo qaraabo ah ayaa qirtay inay xiriir ay la leeyihiin al qaaciddada ku sugan dalka yeman iyo al shabab oo lacago badan ay u direen dagaalyahanno shabaab ka tirsan oo ku sugan dalka Somalia.

Qaadiga maxkamadda Adrian Fulford ayaa sheegay in baaritaano booliska ay sameeyeen lagu soo ogaaday in labadan wiil ee soomaalida ah ay direen lacag gaareysa 3,000 pounds oo u dhiganta $4,700 , sidaa darteed maxkamaddu ay ku xukuntay saddex sano oo xarig ah..

Mid kamid ah xeer ilaaliyayaasha maxkamadda london ku taala oo lagu magacaabo Timothy Cray ayaa tilmaamay in wiilashan maxkamadda horteeda ay ka shaaciyeen inay ahaayeen shabakad isku xeran oo al shabab taageerta , lacagaha al shabab ay ku taageerayaanna ay u soo diri jireen walaalkood oo ka tirsan al shabab oo la yiraahdo Mohammed Shamim Ali oo 29sano jir ah.

Maxkamadaha ku yaala dalka ingiriiska ayaa marar badan xukun ku riday dad Somalia iyo ajaanib isugu jira kuwaas oo lala xiriirinayo al shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)