|
Madaxweyanaha Galmudug Jen Cabdi Qeybdiid oo ayaan daro ku Tilmaamy Hadal ka soo Yeeray Col.Maxamed Axmed Caalin’ Ha yimaado Gaalkacyo Hadii uu Wax Tabanayo
Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyanaha Galmudug Jen Cabdi Qeybdiid oo ayaan daro ku Tilmaamy Hadal ka soo Yeeray Col.Maxamed Axmed Caalin’ Ha yimaado Gaalkacyo Hadii uu Wax Tabanayo......
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jen Cabdi Xasan Cawaale ‘qeybdiid’ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal ka soo Yeeray madaxweynihii Hore ee Galmudug Col Maxamed Axmed Caalin uuna ku sheegay in Doorashada ka dhacday gaalkacyo ay Carqaldeyneyso Road Mapka isala Markaana uu ugu baaqay Odoyaasha galmudug inaysan Aqoonsan natiijada Doorashadaasi.
‘nin Neyroobi Fadhiya oo iska Hadlay warkiisuna wax ka soo qaad aan laheyn baan u arkaa hadalka ka soo yeeray Caalin,waxaana leeyahay Neyroobi Haka hadline imoow Gaalkacyo’ayuu Yiri Madaxweyanaha Cusub ee maamulka Galmudug Jen cabdi Xasan cawaale’Qeybdiid’ oo Intaasi Raaciyay in Mudada 3 sano ah ee soo socota oo uu Daadihinayo Xilka Madaxtinimada Galmudug uu Gacan ka Geysan Doono Horumarinta Deegaanada Galmudug ee Dib u dhacu ku dhacay.
Madaxweyanaha Maamulka Galmudug jen Cabdi Qeybdiid waxa uu sheegay in Danta Guud uu wax kasta ka horumarin doono Kana shaqeyn doono sidii Galmudug ay wax ula qeybsan laheyd Dhinaca Horumarka Maamulada kale isagoo ugu Baaqay dadaka ku abtirsada maamulkaan inay gacan ku siiyaan sidi uu ugu soo bixi lahaa waajibaadka horyaal.
jen cabdi Xasan cawaale oo siyaasada Soomaaliya si weyn ugu dhex muquday isla Markaana mudadii Burburka aan ka bixin Gudah Soomaaliya ayaa ah masuul waayo aragnimo Balaaran u leh Galmudug sidii Gacan looga geysan lahaa Horumarkeeda waxana tan iyo Maalintii la doortay ka soconayay deeganada galmudug Dibadbaxyo lagu taageerayay Guusha weyn ee uu ka soo Hoyaya Madaxtinimada Galmudug waana madaxweynihii 3 ee uu yeesho maamulkaasi tan iyo markii lagu dhawaaqay galmudug.

Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|