|
Madaxweyaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka
Kenya
Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed
iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka
Kenya
(Mogadishu, Somalia, Aug. 03, 2012) Madaxweyaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu berri ka furmayo shir looga hadlayo xaaladda waddanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Nairobi kula kulmaya xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Helery Cilinton iyo masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka, waxaana shirka diiradda lagu saari doonaa marxaladda cusub ee ay Soomaaliya galayso iyo kaalinta ay ku yeelan karto beesha caalamku.
Shir jaraa'id oo uu madaxweynuhu ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in shirka ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha maamullada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug iyo ASWJ.
Madaxweynaha Soomaliya mudane shariif sh. Axmed wuxuu kulan la yeeshay wasiiradda arrimaha gudaha ee dalka Shishilis iyo Waiisirka gaashaandhiga dalka Kenya Yusuf Haji iyo Jeef Morgan.
Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha mudane C/samad Macalin Maxamuud, C/qaadir Macalin Nuur oo ka tirsan hoggaanka ASWJ iyo masuuliyiin kale.










- Dhamaad–
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
media@presidency.gov.so
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|