|
Qaramada Midoobay iyo dowladda Faransiiska oo cambaareyay dilkii Marshaalle
Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qaramada Midoobay iyo dowladda Faransiiska oo cambaareyay dilkii Marshaalle.
Warsaxaafadeed ka soo baxay QM iyo dowladda faransiiska ayaa lagu cambaareeyay dilkii kooxo hubeysan magaalada muqdisho ay ugu geysteen
allaha u naxariistee majaajiliistihii idaacadda Kulmiye cabdi jeylaani Malaaq marshaale.
War ka soo baxay ergeyga QM u qaabilsan arimaha Somalia Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay in QM ay aad u cambaareeneyso weerarkii lagu
dilay majaajiliistihii idaacadda kulmiye , waxana agastiin mahiiga uu ugu baaqay dowladda KMG inay baaritaano ay ku sameysoislamarkaana
caddaaladda la horjeeno kooxihii ka dambeeyay dilka marshaalle.
Sidoo kale war ka soo baxay wassaaradda arimaha dibadda dalka faransiiska ayaa iyadana war ka soo baxay waxaa si kulul loogu
cambaareeyay weerarkii naxdinta laha ee 31 july ee lagu dilay Marshaalle.
Wasaaradda arimaha dibadda dalka faransiiska ayaa saxaafadda Somalia ugu baaqday inay noqdaan kuwo u sii dhabar adeega howlahooda, mar
uuna cadaaladda la horkeeni doono cidda ka dambeysa ugaarsiga wariyayaasha Soomaalida.
Amnesty international iyo wariyayaasha aan xuduuda laheyn ayaa iyana shalay cambaareeyay dilkii marshaalle..
Somalia waxa ay safka hore kaga jirtaa dalalka lagu dhibaateeyo suxufiyiinta ka howlgalaya dalalka colaadaha ay ka jiraan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|