|
Xaflad looga hadlyey furitaanka wadooyinka magaalada Boosaaso oo lagu soo bandhigay qalab kala duwan
Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xaflad looga hadlyey furitaanka wadooyinka magaalada Boosaaso oo lagu soo bandhigay qalab kala duwan.
Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay madax katirsan dawalda Puntland sida duqa magaalda ee bossaso iyo kuxigeenkiisa iyo waliba gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari iyo waliba kudiga horumarinta wadooyinka Bossaso Iyo gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo waliba dhaman ganacsatada shirkada magaalada Bosssaso
Xafladan ayaa waxaa looga hadlayey dhamaystir lagu sameeyey wadooyinka iayadoona socotay bilihi ugu dameeyey
Wadoyinka ayaa ah kuwa dhexmara magalada bossasso isla markaana halbawle u ah isu sosocdka gadiidka iyo waliba dadka taasoo inta badana looga cawdo ciriiri xaga wadooyinka ah iyo waliba boholo kasamaysamay wadooyinka dhexdooda taasoo ay iska kaashadeen dayactirkeeda ganacsatada magalada iyo dawlada hoose iyo hay’adaha laysku dhaho (JPLG)
Xaflada manta dhacday aya waxaa lagu soo bandhigay dhaqaalihii la ururiyey iyo waliba dhamaan kharashaadkii ku baxay wadooyinka lasameeyey iyo kharashka ay ubaahanyahuun kuwa la qorshaynayao in ladayctiro waqtiga soo socda
Hadaba ugu horayn waxaa ka hadlay duqa magaalada ahna Gudoomiyaha Golaha Deeganka Gobolka Bari Xsan Cabdala Xasan isagoona war bixin k abixiyey mashaariicyo badan oo ay qabatay Dawlada Hose ee Bossaaso sanadka 2012
Mashaariicdaasoo ay ka mid yihiin tan wadooyinka ay a ad uga qaybqaateen iyo waliba dhirayn ay kawadan wadooyinka magaalada Bassaso iyo sidoo kale gayrash wayn ay kadhiseen bariga magaalada Bossaso kaasoo loogu tala galay in lagu xereeyo gawaarida waa weyn oo baa kin ka dhigtay wadooyinka siay ugu xaroodan wqtiyada aanay shaqada lahayn wuxuu kaloo duqusheegay in ay qolal ku biiriyeen iskuulka tisjiic sidookalena biyagelin kusameeyeen tuulada karin taasoo biyaha loogasooqabtay ceelka layiraahdo gabowlaho
Waxaa isna warbixin kabixiyey General cali ismaaciil oo ah gudoomiyaha horumarinta wadooyinka boosaaso qaabkii ay u howlgaleen oo ay usoo ururiyeen dhaqaalaha ay ku dayactirayeen wadoo yinka, wadooyinka ay laamiga kadhigeen iyo ku wa udhiman gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ay laami ka dhigeen labawado oo kala ah inta kalena ay kadhigidoona waqtiyada so socda
Ugu damayn xafladan ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan iyo waliba shahaado sharaf lagudoonsiiyey shirkadaha ka qayb qaatay hawshan mushiimka ah.
  
Qore: Mubaarak Saalad Cali (Bossaso)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|