Somali News
    Hees  

Musharaxa Al-Xaaji Max’ed Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib safaro uu ku tegay dalal dibeda ah (DAAWO SAWIRO)

Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Musharaxa Al-Xaaji Max’ed Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib safaro uu ku tegay dalal dibeda ah (DAAWO SAWIRO)

Musharaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha Somalia ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safaro uu ku soo kala bixiyey dalal ka tirsan caalamka.

Musharaxa aya waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada oo watay calanka Soomaaliyed iyo calanka musharaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin, sidoo kale waxaa soo dhoweeyey musharaxa xubno ka tirsanana jiray golaha wasiirada iyo xildhibano ay ka mid aheyd Caasho Axmed Cabdalla.

Xaaji Maxmed Yaasiin Ismaciil ayaa Dhawaan ka Tagay Magaalada Muqdisho isagoona Safaro kusoo Maray wadamo ay ka midyihin Kenya,Saudi, Jabuuti, Turkiga iyo qaar kale oo badan.

Isagoo saxaafada kula hadlayey garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Musharaxa Al-Xaaji Maxamed Yaasiin waxaa uu sheegay inuu la soo kulmay qaar ka mid ah madaxda dalalka uu soo maray iyo Jaaliyadaha Soomaalida ee dalalkaas ku dhaqan isagoo xusay inuu kala hadlay xaaladaha Somalia, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xalaal ah iyo arimo kale.

Al-Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa sheegay in safaradii uu ku tegay dalka dibediisa ay dhamaantood ku soo dhamaadeen guul, isagoo u mahad celiyey dadweynaha iyo ururada bulshada ee maanta ku soo dhoweeyey magaalada Muqdisho, isagoo xusay in ololahiisa doorashada la dar dar gelin doono.







Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)