|
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo taageeray ansixinta dastuurka
Mogadishu Jimco 3 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo taageeray ansixinta dastuurka
Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa taageeray isla markaana soo dhoweeyay ansixinta dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo, waxaana bayaan ka soo baxay Golaha lagu sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah.
"Ergada Soomaaliyeed ee isugu jira Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee maalmahaan shirka uga socday Muqdisho ee ansixiyay dastuurka KMG ah waxaan ugu baaqeynaa inay soo xulaan Xildhibaanno karti iyo aqoon u leh Baarlamaanka cusub" ayaa lagu yiri bayaanka oo sheegay dhinaca kale kula dardaarmay in tallaabadaasi ay sii horumariyaan.
Dhinaca kale Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in dadaalka dalka looga saarayo KMG-nimada ay tahay mid iminka gabagabo ah, waxayna ugu baaqeen guddiga madaxa bannaan ee soo xulidda Xildhibaanada ay wajahaan cadaalada si loo dhameystiro.
Ugu dambeyntii Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay ka shaqeeyaan nabadgelyada, isla markaana meel uga soo wada jeestaan cadowgooda iyo kuwa u diidan inay noolaadaan.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|