Somali News
    Hees  

Mareykanka oo diyaarado dagaal u ballanqaaday Uganda

Mogadishu Sabti 4 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Mareykanka oo diyaarado dagaal u ballanqaaday Uganda

Haweeneyda mareykanka u qaabilsan arimaha dibadda oo booqasho ku tagtay dalka Uganda, kulanna la qaadatay mas’uuliyinta dalkaasi ayaa dowladda Uganda waxa ay u ballan qaaday inay siinayaan diyaarada dagaalka ee aan cidna wadin kuwaaas oo dowladda Uganda ay u isticmaali doonto la dagaalnka xarakada al shabab ee somalia ka wada dagaallo ka dhan ah AMISOM iyo kuwa dowladda.

Hellary Cilnton ayaa tilmaantay in diyaaradaha dagaalka ee aan cidna wadin oo dowladda Uganda ay siinayaan ay qeyb ka tahay mashruuca dowladda Mareykanka ay kula dagaalameyso argigixisada ku sugan dalal somalia ay kamid tahay.

Dowladda Uganda ayaa noqoneysa dowladda labaad oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM oo mareykanka ka hesha ballanqaad ku aadan in la siinayo diyaarado dagaal oo ay kula dagaalamaan xarakada Al-Shabaab, waxana dowladda mareykanka ballanqaad midkan la mid ah ay horay ugu sameysay dowladda Kenya oo AMISOM u qaabilsan howlgallada dhinaca koonfurta.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)