|
Faafaahin dheeraad oo ka soo baxayaa dagaal ay shabaabku ku
qaadeen ciidanka Itobiyanka ee Baladweyne
Mogadishu Sabti 4 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Faafaahin dheeraad oo ka soo baxayaa dagaal ay shabaabku ku
qaadeen ciidanka Itobiyanka ee Baladweyne
ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa u xaqiijiyay
shabakada wararka ee somaliweyn.com in dagaal sababay qasaare isugu
jira dhimasho iyo dhaawac uu xalay ku dhexmaray duleedka Baledweyne.
Saqdiii dhexe ee xalay ayeey dadka magaalada baladweyne waxaa ay
mar kaliya hurdada kaga salaleen Hugunka iyo dhawaqa Hoobiyaha ka dib
waxaa isku dhacday rasaasta qoryaha darandooriga u dhacda.
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegayaa in ugu yaraan meydka 13 ruux oo lagu
arkay goobta laysku farasaaray ilaa 12 kale oo Shabab ayaa nolol ahaa
lagu soo gaarsiiyay bartamaha Baladweyne kuwaa oo ugu dambeyn laga
dhoofiyay garoonka Baladweyne oo diyaarad nuuca ciidamada ay ka qaaday
masuul ka tirsan maamulka Gobalka Hiiraan oo diiday in magaciisa la
xigto sababto ah Saraakiisha Ethoipia oo aan ogoleen in laga warbixiyo
howlgalkooda ayaa sheegay in Hal Gaari oo Nooca Cabdibille ah oo uu
saaranyahay Qoriga Hoobiyaha iyo laba ka tirsan Horjoogayaashii
hogaamineysay.
Dadka degaanka Tuulada Buq-aqable ayaa sheegay in ilaa 4 ka tirsan
meydka kooxda Alshabaab lagu aasay duhurnimadii manta.
Maamulka Gobalka oo kulan deg deg ah ka yeeshay kulankii xalay ayaa
ku heshiiyay in saraakiisha Ethiopia iyo kuwa dowlada Somaaliya ay
iska kaashadaan dhinaca macluulaadka taas oo ay ku sheegeen in ay
sabab u tahay guushii xalay laga gaaray weerarkii Alshabaab ee
Baladweyne oo ay Saraakiisha Ciidanka Ethiopia kulanka ka sheegeen in
ay ka warhayeen xiligii Ciidanka Shabaabka ay gaadiidka soo raacayeen
Tuulo sida ay sheegeen qiyaastii 50KM baladweyne u jirta .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|