|
War Murtiyeed ka soo baxay Odayaasha dhaqanka Beesha Warsengeli Harti Abgaal
Mogadishu Sabti 4 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Anagoo kale ah oday dhaqameedyada Beesha Warsangeli Hartiabgaal Mudulood ee Qabiilka Hawiye waxaan si isku duuban u caleemo saarnay inuu xubinteena Baarlamaan nagu matalo xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali.
Waxaana u gudbinay go’aan keenkaas Imaam Maxamed Yuusuf, waxaase nasiib daro ah in Madax weyne Sheikh Sharif uu diiday codeyntii iyo doorashadii oday dhaqameedyada Warsangeli asagoo ku dhaliilayo xildhibaan C/Qadir Cosoble Cali inuusan u codeyn doonin soo noqodkiisa Madaxweyne.
Dawladdaha caalamka waxay ku celcelsheen ineysan u dulqaadan doonin faragelinta xulitaanka barlamaanka Soomaaliyeed ee UNka soo abaabulay, hadaba hadda waxaa taagan arrin u baahan wax ka qabad.
Madaxweynaha intaas kuma ekeysan arintiisa balse waxaan heynaa cadeymo cad cad inuu maalgeliyey dhibaatadda manta warsengeli ka dhaax socoto, uuna si xaqdaro ah ugu takri falayo hantida qaranka ayuu carqaladeyna habka xulashada xildhibaanada cusub isagoo laaluush iyo handadaad intaba ku dayaaya. Waxaan aaminsanahay in ficilada uu sameynayo Madaxweyne Sharif aysan ku ekeyn Warsangeli balse uu qalalaase ka dhexwado dhamaan Jufooyinka Beesha Hawiye. Sidaa darteed Madaxweynaha wuxuu u bareeray inuu wax musuq maasaqo wadadii xaqa aheydna ka leexiyo Democratic Process.
Strateejiyada laaluushka iyo handadaad iyo khilaafka soo jireenka ah ee la sii hurinaayo ma aha oo kaliyah sharci daro balse waa xadgudub caalami ah. Nasiib daro, hadii arrinta dhamaystirka kabixid kumeel gaarka ee dawladda uu fashil ku yimaado waxaa masuul ka aha madaxweynaha.
Waxaan leenahay hadii aan nahay oday dhaqameedyada Warsangeli hadii aan wax laga bedelin sida hadda loo xulayo xubnaha Baarlamaanka lagana qabanin ku takrifalka uu ku hayo Madaxweyne Sheikh Shariif Beesha Warsangeli iyo dhamaan beelaha Hawiye ma jireyso hab dhaqan loo siman yahay ee lagu xulayo xubnaha cusub taas oo diideysa sinaanta iyo cadaalada la doonayo in caqabada looga saaro Umadda Soomaalida.
Intaa waxaa dheer in arimahaas sharci darada ah ay hoos u dhigeyso Aqoonsiga guud ay u hayso Umadda Soomaaliyeed Baarlamaanka. Anaga kama soo horjeedno in Madaxweyne Sharif uu mar labaad isu soo taago xilka Madaxweynenimo balse waxaan ka soo horjeednaa in xilka loo maro wado aan sharci aheyn. Sidaa darteed waxaan ka codsaneynaa in la tixgeliyo oday dhaqameedyada Warsangeli iyo doorashada Xildhibaan C/Qaadir Cosoble Cali.
Saxiixayaasha Nabadoonada Beesha Warsangeli (Guji-riix)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|