|
Saxiixayaasha heshiiskii Road-mapka oo maanta ku kulmaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya
Mogadishu Sabti 4 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Saxiixayaasha heshiiskii Road-mapka oo maanta ku kulmaya Magaalada Nairobiee Dalka Kenya.
Waxaa maanta lagu wadaa in saxiixayaasha Tubta Nabada Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaasoo ay uga hadli doonaan xaalada wadanka gaar ahaan waxyaabihii ka qabsoomay heshiiskii Road-mapka.
Saxiixayaasha ayaa dhamaantood waxa ay ku suganyihiin magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo faahfaahin ka bixiyay Ujeedada kulanka ay maanta ku yeelanayaan magaalada Nairobi, ayaa waxaa uu sheegay inay uga hadli doonaan arimo muhuum ah.
Waxa uu sheegay in kulankooda maanta ay diiradda ku saari doonaan waxyaabihii uga qabsoomay Road-mapka sida ansixinta dastuurka cusub ee qabyada ah iyo qodobo kale oo uu tilmamay in ay dhaliilo ka jiraan.
Sedexda masuul ee ugu sareysa dowlada KMG ah ayaa lagu wadaa in kulan ay la yeeshaan Hellary Clinton Xogahayaha arimaha Dibadada dalka Mareykanka taasoo la tilmaamay inay kala hadli doonto madaxda Soomaaliyeed xaaladaha xilliga kala guurka Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|