Somali News
    Hees  

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo goordhow la wareegay gacan ku haynta garoonkii diyaaradaha No 50 ilaa Lambar 60

Mogadishu Sabti 4 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo goordhow la wareegay gacan ku haynta garoonkii diyaaradaha No 50 ilaa Lambar 60.

Waxay Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwo AMISOM goordhow la wareegeen garoonki diyaaradaha Lambar 50 iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma dulle) Taliyaha guud ee howlgallada ciidamada Dowladda KMG ah ahna Afhayeenka ciidamada ayaa u sheegay Raadiyaha Dowladda KMG ah in ciidamadu ay saakay si buuxda ula wareegeen deegaannada Muuri, garoonki diyaaradaha Lambar 50, Saliini, ilaa Lambar 60, kadib markii ciidamada XDS oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay waaberigii saaka ka dhaqaaqeen deegaanka Laanta buuro oo ay horay ula wareegeen ciidamadu.

Taliyaha waxa uu sheegay in howlgalka saakay ciidamadu wax qasaare ah soo gaarin ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, wuxuuna sheegay inaysan ciidamadu la kulmin wax iska caabin ah, wuxuuna sheegay in kooxihii ay ugu tageen meeshii ay tageen ay iska carareen , isagoo sheegay inay haatan deegaandaasi ay ka taliyaan Ciidamada Dowladda KMG ah.

Gacma dulle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ciidamadu ay dhawaan la wareegi doonaan magaalada Marka oo xarun u ah Gobolka Sh/Hoose, isagoo intaa ku daaray in howlgalkii saakay gacan weyn ka geysteen shacabka ku nool deegaannadii ay ciidamadu saakay la wareegeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)