Somali News
    Hees  

Ikhwaanu muslimiinka somalia oo loogu baaqay inay midoobaan

Mogadishu Sabti 4 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ikhwaanu muslimiinka somalia oo loogu baaqay inay midoobaan.

Guddoomiyaha ururka ikhwaanu muslimiin ee dalka Masar Dr Maxamed baddii oo magaalada qaahira kula kulmay dhigiisa dalka somalia Dr. Ali Basha ayaa sheegay inay jiraan khilaaf iyo kala daadsanaan u dhexeya
ikhwaanul muslimiinka dalka somalia oo ah ururka al islaax taa oo dhalisay gaabis ku yimaada ujeedka dhinaca siyaasadda ee ururka al islaax oo qeyb ikhwaanu muslimiinka ka tirsan ah .

Madaxa ikhwaanu muslimiinka dalka Masar Dr. Mohamed Badii ayaa tilmaamay in xilligan dalka Somalia uu ku jiro marxalad xassaasi ah loona baahanyahay inay u midoobaan ikhwaanu muslimiinka somalia sidii siyaasadda somalia meel sare ay kaga gaari lahaayeen oo ay ugu dayan lahaayeen Max’ed mursi oo ahaa musharixii u tartamayay ikhwaanu muslimiinka dalka masar haatanna ah madaxweynaha dalka masar.

"Waxaan idinku baaqayaa inaad xallisaan khilaafka idiin dhaxeeya oo aad u midowdaan sidii dalkiina aad horumar u gaarsiin laheedeen "ayuu yiri guddoomiyaha ururka ikhwaanu muslimiin ee dalka Masar.

Ururka al islaax oo somalia ka dhisan waa qeyb kamid ah urur weynaha ikhwaanul muslimiin oo wadan waliba ka jira , waxana ururka al islaax u dhexeeya khilaaf xoogan oo dhalisay in ururkaasi labo garab uu u kala jabo , mas’uuliyiinta ururka al islaax qaarkoodna waxa ay ka qeybqaadanayaan doorashooyinka bishan August ka dhacaya dalka somalia.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)