Somali News
    Hees  

Mareykanka oo Diyaaradaha aan Duliyaha wadin ku weeraray buuraha Gal Gala kuna dilay dagaalyahanno Al-Shabaab ah

Mogadishu Axad 5 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Mareykanka oo Diyaaradaha aan Duliyaha wadin ku weeraray buuraha Gal Gala kuna dilay dagaalyahanno Al-Shabaab ah

Sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab laguna magacaabo Sheikh Muhammad Talal Daahir oo la hadlay televisionka presstv ee saldhigiisu yahay magaalada Tehraan ee caasimadda dalka Iiraan ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo ah nuuca aan cidna wadin oo dowladda mareykanku ay leedahay ay dishay 13 ka tirsan dagaalyahanadda al shabab ee ku sugan buuraha galgala kuwaas oo xilliga la duqeenayay gawaari dagaal.

Sheikh Muhammad Talal Daahir ayaa presstv sidoo kale u sheegay inay maalinimadii shalay aheyd ay ku soo dhacady buuraha gal gala ee waqooyi bari dalka Somalia diyaarad aan cidna oo mareykanku uu leeyahay.

Dowladda mareykanka ayaa wadamo Somalia ay ka mid tahay u isticmaasha diyaaradaha dagaalka ee darooniska la yiraahdo kuwaas oo qaarijiyay saraakiil Ajaanib ah oo Al-Shabaab ka tirsan kuna sugan Somalia.

Ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo dhanka dowladda mareykanka ka soo baxay oo uu ku xaqiijinayo ama uu ku beeninayo diyaarad uga soo dhacday buuraha gal gala halkaas oo gabaad ay ka dhigteendagaalyahanno ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo gacantooda ay ka baxday deegaanno istaraatiiji ah oohoray ay u maamulayeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)