Somali News
    Hees  

Kooxda Alshabaab oo Degmada Buulaburde gaari ugala degtay Masuul ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

Mogadishu Axad 5 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kooxda Alshabaab oo Degmada Buulaburde gaari ugala degtay Masuul ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

Wararka naga soo gaaraaya Degmada Buulaburde ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaaya in Shalay galinkii dambe Kooxda Alshabaab ay gaari rakaab siday kala degtay Nin lagu magacaabo C/laahi Macalin Xuseen oo ka tirsan Shaqaalaha Hormuud qeybta Systamka ama xaruunta weyn ee Magaalada Baladweyne.

Ujeedada si rasmi ah loo mago laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in xubino ka tirsan Alshabaab ay hada ka hor ka codsadeen in uu kala shaqeeyo dhinaca dhageysiga Madaxda iyo dadka ay bartimaameydka u ah maadaama uu madax ka yahay qeybta GSM-ka.

Sidoo kale waxaa jirta warar sheegayaa in uu ku gacan seeray lacag ay kooxda ka dalbatay Hormuud xafiiska Baladweyne oo ay dhankiisa ka waayeen jawaab in lacagtaa lagu taageero maadama aysan jirin ilahii ay dhaqaalaha ka heli jireen ee Magaalada Baladweyne.

Hadal haynta ugu badan ee Magaalada Baladweyne ayaa maanta aheed qafaalashada ay shabaabku qafaasheen mid ka mid ah dadka aan xiligan ku lugta laheen Siyaasadaha Dalka Ka jira.

Kooxda Alshabaab ayaa horaantii Bishii hore waxaa ay ku soo rogeen dadka ku Nool Buuloburte iyo Jalalaqsi in aan safar ama booqasho aan lagu tagi karin Baladweyne maadaama magaaladaasi ay ku calaacalaan in ay tahay mid uu cadow haysto sida ay aaminsanyihiin.

Masuuliyiin ka tirsan Shirkada Hormuud oo ay saxaafada wax ka weydiisay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan maadama laga yaabo in ay ku sii adkeyn karaan ama ay sii dhibaateeyaan.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)