|
Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo xalay weeraray saldhigyo ciidamada Dowladda KMG ah ku leeyihiin degmada Afgooye
Mogadishu Axad 5 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo xalay weeraray saldhigyo ciidamada Dowladda KMG ah ku leeyihiin degmada Afgooye.
Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Xalay ay dagaalo ka dhaceen fariisimo Ciidamada Dowladda KMG ah ay ku loeeyihiin qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, iyadoo halkaasi ay weerareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab , waxaana halkaasi ka dhashay dagaal qaraar oo labada dhinac dhexmaray.
Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa weerarka bilaabay kadib markii ay weerareen labo fariisin oo ciidamada dowlada KMG ah ee Somalia ku leeyihiin degmada Afgooye kuwaasoo kala ahaa dugsiga sare ee degmadaas iyo Kontrolka Baar Ismaaciil.
Dadka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa sheegay inay maqlayeen Rasaas culus oo ay labada dhinac is weydaarsadeen iyo iyo madaafiic la isku adeegsaday dagaalkaasi, iyadoo dagaalkaasi labada dhinac uu ka soo gaaray khasaare lixaad leh , inkastoo aan si dhab ah loo sheegi karin inta ay dhibaatadu gaarsiisan tahay.
Ilaa iyo hadda kama aysan hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ah dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Afgooye, sidoo kale Al-Shabaab ayaan iyana ka hadlin dhinaceeda dhibaatada ka haleeshay dagaalkaasi xalay Afgooye ka dhacay, iyadoo uu weerarkaan uu imaanayo xilli ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay guulom isdaba jooga ah ka gaarayaan dagaalada ay kula jiraan Al-Shabaab.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|