Somali News
    Hees  

WAXAAN AHAY MUSHARRAX U TAAGAN, MADAXWEYNENNIMADA SOOMAALIYA!!!

Nairobi Axad 5 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

WAXAAN AHAY MUSHARRAX U TAAGAN, MADAXWEYNENNIMADA SOOMAALIYA!!!

                                                                                              By A.Karani

Madax badan oo la shaqeyn jirtey  Dawladihii hore iyo qaar kaleba ,ayaa u taagan doorashada Madaxweynennimada dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.Tirada Madaxdaasi waa xad dhaaf oo waxay i xusuusineysaa, tiradii axsaabtii siyaasadeed ee Dawladii  Kacaanka ka horreysey (oon hirgelin),iyadoo xisbi kastaa u tagnaa, asaga iyo qabiilkuu  matileyeyba, madaxnimada somaaliya guud ahaan.

Madaxweynnimada, hadda raga u taagani waxay tiradoodu dhaafeysaa ilaa afartemeeye,
welina sida la sheegayo qaar kale oo  weli qarsoon ayaa jira, waxana ugu badan dadka
ilaa imminka magacyadooda la shaaciyey qurbajoogta soomaaliyeed,inkastoo dadka gudaha qaar ka mid ahi leeyihiin , ma ahayn in qurbajoogta laga qeybgeliyo doorashada
Madaxweynennimada somaaliyeed iyagoo ku sababeynaya siyaabo kala duwan.Laakin dadkaasi waxeeyan  ogeyn in arrintaas si cad loogu qoray Dastuurka Soomaaliya,  Adduunkana dastuur iyo sharci ayaa wax kala haga oo lagu dhaqmaa.

Waxaan hoos ku qorayaa dood ka dhex dhacday labo ka mid ah musharrixiinta isu soo
taagaya doorashada Madaxweynennimada soomaaliyeed iyadoo mid waliba uu halkaas ku sheegayo, waxa ku khasbay inuu musharrax noqdo isagoo fikradihiisa iyo wax qabadkiisa uu ugu talogalay ummadda  soomaaliyeedna,  halkaa ku  muujinaya.
Labada musharrax waxaan kala siin doonaa labo magac oo kala ah,JEERINiyoQEYDAR,
waana labo geed magacyadood, oo caan ku ah Soomaaliya. Bal akhris wacan !!!

JEERIN: War Qeydar, adiguna goormaad Dalka soo gaartey?
QEYDAR: Horta waan ku salaamayaa. Anigu walaal, waxaan dhowaan ka imidYurub,oo
mar hore ayaan halkaas ku soo iclaamiyey inaan ahay musharrax u taagan madaxweynennimada soomaaliyeed ee bal adiguna ii warran?
JEERIN: Aniga ruuxeygu bishii hore aakhirkeedii,ayaa xaflad weyn la iigu qabtay hotel ka mid ah hoteelada magaalada London, halkaasoo dhowr boqol oo qof isugu yimaadeen , kuwaasoo iga codsaday inaan tago Xamar oon ka qeyb galo doorashada  Madaxweynaha oo loo ballansan yahay  20ka  Agosto. Sidaad la socoto, maanta Dalkeennu xaalad adag ayuu ku sugan yahay,waxana loo baahan yahay rag ka saara dhibaatooyinka maanta ummadda soomaaliyeed ku habsadey. Waa in ummadda la gaarsiiyaa horumar, isla markaana wixii mucaawana ah oo dalalka kale ina siiyaan la gaarsiiyaa dadka u baahan.Dadku waxy leeyhiin waxba nama soo gaaraan!!!

Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa igu khasbaya inaan is sharraxo.

QEYDAR: Anigu maalin dhoweyto ayaan casumay dad jifadeyda ah iyo asxaab kale,oo
markaa Hotel ku yaal Nayroobi ayaan khudbad caalami ah uga soo jeedshey dadkii meesha isugu yimid,khudbadeyda waxaan ku sheegay baahida loo qabo in dad wax soo bartay oo garan kara sidii loo maareyn lahaa dhibaatada maanta ka taagan Dalkeena soomaalya.Anigu sidaad la socoto ma ahi lacag doon ee waxaan ahay xildoon.Waxaan doonayaa in Dalkeennu ka soo kabto dhibaatada heysatey 21kii sano oo la soo dhaafay.

Waxaan kaloo doonaya inaan Adduunweynaha baro waxa Soomaaliyada cusubi tahay !!
JEERIN: Wallaahi,aniga ruuxeygu,halka aan ka imid dhibaato iguma heyn,oo wax kasta oo aan rabo waan ku heystey,inkastoo aanan ahayn maal qabeen sidaadoo kale.

Haddana waxaan ka dhiidhiyey xaaladaha xun xun ee dadkeennu maanta ku sugan yahay.Waxaan qabaa in Adduunweynaha horumaray loo baryo tago oo laga codsado iney nala soo gaaraan wixii karaankooda ah oo mucaawino ah. Markaana dadka si fiican loo gaarsiiyo wixii la soo helo oo deeq ah oo si caddaalad ahna waxaas loo gaarsiiyo dadweynaha.Sidaad la socoto dalkeennu waa sabool oo waa dal saxara ah oon waxba ka baxayn oo roobabkuna ku yaryihiin, waana khasab in loo baryo tago umadaha kale siiba

Dalalka Carabta iyo kuwa nala deriska ah.!!

QEYDAR: War Jeerin, war nin yahow sow hadleysaa,. miyaadan ogeyn in Dalkeenu hodan yahay, wax ka shaqeystuu waayeye? War Ummaddu waxay u baahan tahay Daw-
lad caawisa oo ku baraarujisa iney  wax qabsato.Dalkeennu waa nagu filan yahay,waana
naga badan  yahay kun jeer oo gobol keliya oo wabigu maro ayaa ku filan tobanka malyan oo nalaku sheego. Galleyda hadda dibedda nalooka keeno annagu inaan u dhoofinno Adduunweynaha ayey ahayd. Laakin waxa loo baahan yahay in dadka iyo Dawladdoodu ay noqdaan kuwo wada shaqeeya, taasoo aan hadda jirin.

JEERIN: Waa runtaa,oo waxyaabo badan oo aad i xusuusisay waan kula fahmey,lakiin,
Dadkeennu ma rabaan shaqo ee waxay rabaan wax looga soo diro dibedda iney cunaan,arrintaasna waa arrin ay u barteen. Waad la socotaa Adduunka kale haddaadan shaqeysan meel cidla ah ayaa gaajo kugu dileysaa., shaqaduna waaba sharafta qofka,
midda kale dadkeennu sidey u dhan yihiin Dawladda ayey shaqo ka wada sugayaan.markaasna nin kastoo madax noqdaa wuxuu ku khasban yahay inuu bal marka
hore kuwa agtiisa dhooban oo qabiilkiisa ama jifadiisa ah inuu siiyo  wixii loogu dhiibey
Dadweynaha somaaliyeed guud ahaan.Taasi waxay sababtay in la waayo qof madax ah oo ka nabad gala debinka qabyaaladda!!
QEYDAR: Arrinta aad sheegeyso waxbaa ka jira,laakin sow ma ogid in Musharrax kasta oo guuleysta lagu dhaarin doono inuu ku shaqeeyo sinnaan iyo caddaalad.Waxaan qabaa in wixii hadda ka danbeeya leysla xisaabtamo,oo dadweynaha ruuxoodu gartaan, waxay xaq u leeyihiin iyo waxa iyaga xaq loogu leeyahay.
JEERIN: Jaalle Qeydar,waxaan maqlay in musharrixiinta tiradoodu dhaafeyso afartemeeye,bal arrintaa ka warran?
QEYDAR: Horta tirada musharrixiinta badani ilama xuma,oo haddii caddaaladi jirto waxaa la dooran doonaa kuwa ugu fiican oo leys yiraahdo waxbey hagaajin karaan, oo
xag aqooneed,aamminnimo,waddannimo , karti iyo hufnaan isku darsaday. Laakin waxaa daran markii la waayo caddaalad oo arrimo kale la adeegsado,sidii horay u dhici
Jirtey.sida qabyaalad iyo lacag !!
JEERIN: Oo ma waxaad doorkan aamminsan tahay in doorashadu u dhici doonto si ka duwan sidii sanooyinkii hore?
QEYDAR: Haa, shaleyto nin baa wuxuu ii sheegay in sanadkan ay imaanayaan Xamar, dad ka socda Dawlado badan oo adduunweynaha ka mid ah, kuwaas oo lagu magacaabo
af ingriiska Observers, oo loogu talogalay iney caddeeyaan in doorashadu xaq u dhacday
iyo in kale.Arrintaasna waxaa ka danbeeyey rag kamid ah musharrixiinta, waana laga aqbalay !!
JEERIN: Taasi waa war wanaagsan,hadduu yahay mid sugan. Midda kale  raggu waa kala duwan yahay,oo qaar weys hubaan,oo malaha meelo ad adag bey ku xiran yihiin oo waa rag la wato, qaar waxay ku kalsoon yihiin aqoontooda iyo dadkoo u soo istaagaya, qaar kale dhaqaalahooda ayey isticmali doonaan, waxase jira kuwo iyagoo og inaan qofna dheg u jalaqsiin doonin,misana isasoo maqiiqaya oo ah magacdoon iyo waabaan u istaagey musharraxnimo madaxweyne!!!
QEYDAR: Jaalle Jeerin,oo adigu qeybtee baad isleedahay waad ku jirtaa?
JEERIN: Walaal ,taasi waa xog ii qarsoon. NO COMMENT!!!
QEYDAR: War Jeerin, waxan ku weydiiyey, mar haddii musharrixiinta qaar la wato, qaar kalena ay istimaali doonaan taagtooda dhaqaale , kuwo kalena aqoontooda,Dadweynuhu iyagu maxay ka qaban karaan arrimahaas
JEERIN: War nin yahow adduunba maadaa la socda!! Dadweyne ayaad ka hadleysaaye,oo dadweynuhu   horta xisaabta ma ku jiraa!!

QEYDAR: Wallaahi, anigu muddo dalka waan ka maqnaa, laakin waxaan ogahay meelaha aan degganaa in dadku xaq  leeyihiin  lana xurmeeyo , iyaguna wey og yihiin inaan doorasho dhici karin haddeeyan iyagu  dadka matilaya soo dooran.
JEERIN: Meeshaani, ka duwan meelaha aad ka hadleyso !! Halkan hadda waxaa xubnihii
Baarlamaanka soo xulaya Odayaasha dhaqanka,kadibna qoladaas Odayaashu soo xulaan oo tiradoodu tahay 275, ayaa Madaxweynihii ummadda ka soo dhex dooranaya musharrixiinta aan adiga iyo aniguba ka mid nahay.
JEERIN; Bal aan adiga ku weydiiye, dadbaa waxay qabaan inaan qurbajoogta loo oggolaan iney isu soo  sharraxaan madaxnimada Dalka,bal arrintaas adigu see u aragtaa?

QEYDAR: Qurbajoogta soomaaliyeed,ninna uma diidi karo in la doorto ama ay wax doortaan,waayo waa dad soomaali ah iyaguba,waana dadka soo badbaadiyey dadka gudaha ku nool oo qaraabadooda  ama asxaabtooda ah. Taa ka sokow, qurbajoogtu Dalka waxay  soo gelisaa dhaqaale lagu qiyaasay kumanyaal malyan oo doolar sanadkiiba.Mida kale Dastuurka ayeyba ku qoran tahay in qof kastoo sheegta soomaali,inuu xaq u leeyahay in la soo doorto,waxna uu dooran karo.
JEERIN: Qeydarow, ma la socotaa iney soo baxeen qolo isku magacowday SAXIIXAYAAL !! Kuwaasi maxay yihiin?
QEYDAR:  Wallaahi,ruuxeygu nimankaas waan maqlay,waxana leygu yiri waa toddoba qof oo uu ku jiro nin  u dhashay Tansaaniya oo Qaramada midoobey wakiil ka ah. Dad kale waxay ii sheegeen iney iyagaasi kala eryeen  xubnihii  Barlamaankii horay loogu dhisay jabuuti oo gaarayey 550 xubnood. Qaar kale waxay ii sheegeen in iyagu hadda Dalka maamulaan, iyagoo saxiixay Barnaamijka hawlgalka Soomaaliyeed (ROADMAP).

JEERIN: Adigu ma maqashay kuwo kale oo la yiraahdo  QASWADAYAAL, walaalow,
kuwaasina ma jiri jireen, oo xaggee bey joogaan?
QEYDAR: Haa, nimankaas iyaguna waa jiraan,laakin iyagu sidaan maqlay waxay ka soo
horjeesteen Saxiixayaashu waxyaabaha ay soo maleegaan, marka nimankaas hanjabaad xoog leh ayaa hadda ku socota ,taasoo meelo badan laga iclaamiyey,waana ammuseen hadda oo sidii hore uma firfircoona!! Labada magacbase, waa erayo isticmaalkoodu  ku soo kordhay dhowaan siyaasadda soomaaliyeed!!
JEERIN: Arrinta kale oo aan  ku weydiinayaa waxay tahay, beryahaan waxaan
mar kasta maqlaa dad ka hadlaya muddada kala guurka,arrintaas anigu weli ma arag qof
si fiican iigu sheega meesha loo guurayo,ee adigu xog ogaal ma u tahay arrintaas?
QEYDAR: Walaal, aniga ruuxeygu arrintaas dad badan ayaan su’aaley,laakin nasiib-
darro, ma helin qof iga dhaadhiciya meesha loo guuri doono iyo xaalka soomaaliya siduu
noqon doono markii la guuro.Ma meel abaar ah ayaa loo wadaa Somaaliya , mise meel
barwaaqo ah? Taasi waa su’aasha ugu weyn oo dadweynaha soomaaliyeed ku taagan,iyadoo sidaad  la socoto aan soomaali gacmaha maanta waxba ugu jirin. Laakin arrintaas  madaxda soomaaliyeed ayaa masuuliyaddeeda qaadi doonta sidaan qabo!!
JEERIN: Arrimuhu waa badan yihiin,howliga ay ku socdaanna waa ka sii daran yahay!!
War nabadgelyo,oo waxaa inoo ballan ah maalinta doorashada Madaxweynaha oo ku  aaddan , bisha Agosto labaatankeeda , sanadka 2012.
QEYDAR: INSHAA’ALLAAH, waa inoo maalintaas,iyo ninba nasiibkiis!!

                                               DHAMMAAD

Faallada gaaban ee ku saabsan wada hadalka labada musharrax ee  Madaxweynennimada Soomaaliya, u taagan ,oo dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Dhowr arrimood ayaad ka fahmeysaa sheekada dhex martay labada musharrax, tan hore
waxa weeye in dadka isu soo taagaya  doorashada Madaxweynennimada, qaarkood, eeyan la socon waxa ka socda ama labaatankii sano dalka gudihiisa ka dhacay,sidaa awgeedna eeyan lahayn khibrad iyo aqoon ay ku gutaan xilka weyn oo ay tartamayaan.
Arrinta  labaad oo iyaduna muhim ka ah waxa weeye in dadka ugu badan oo isu soo taagey madaxnimada Soomaaliya ay yihiin  qurbajoogta soomaaliyeed , kuwaas oo ay
ku jiraan dad isku darsaday aqoon,khibrad siyaasadeed iyo maamuleed oo la oran karo
waa kuwii Dalkeena ka samanta bixin lahaa dhibaatada gamuurtey oon weli xal waafi ah
loo heyn.Tan saddexaad waxa weeye in dadweynaha soomaaliyeed aan weli si fiican looga dhaadhicin meesha loo guuri doono wixii ka danbeeya 20ka Agosto,2012.

Qoraalka  wadahadalka labada Musharrax iyo  faalladaba waxa soo diyaariyey:
                                         Dr   A.A. KARAANI/ Nairobi/Kenya.

Taariikh :   01 /08/ 2012.

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)