|
Mareykanka oo la ogaaday inuu ku lug leeyahay dagaalada Somalia
(Warbin lagu qoray wargeyska The Los Angeles Times)
Mogadishu Axad 5 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mareykanka oo la ogaaday inuu ku lug leeyahay dagaalada Somalia
(Warbin lagu qoray wargeyska The Los Angeles Times).
Sida lagu qoray wargeyska The Los Angeles Times oo ka mid ah
wargeysyada ka soo baxa wadanka Maraykanka dawlada wadankaasi ayaa
lagu eedeeyay inay si weyb ugu lug leedahay dagaalada mudada dheer
ka socda wadanka Soomaaliya.
Wargeyska oo soo xiganayay qubaro iyo siyaasiin ka faalooda arrimaha
amaanka gaar ahaan kan geeska Africa waxaa lagusheegay in marka la
eego xaaladaha jira ay muujinayso in dawlada Maraykanka ay si muuqata
ugu lug leedahay dagaalada Soomaaliya.
Warbixinta uu qoray wargeyska waxaa lagu sheegay in xukuumadda
Washington ay mar walba taageero dhinaca ciidamada u badan ay siiso
dhinacyada u muuqda inay sii hurinayaan colaadaha Soomaaliya.
Dawlada Maraykanku hadda waxay taageero tii hore ka badan siiyaan
ciidamada AMISOM oo dawlada KMG ee Soomaaliya ku taageera dagaalada ay
kula jiraan Xarakadda Al-Shabab oo Al-Qacida ku xiran.
Maj. Gen. David Hogg waxaa uu ka tirsan yahay saraakiisha taliska
ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee AFRICOM la yiraahdo waxaa
uu ka sheegay xero ku taala duleedka magaalada Freetown ee xarunta
wadanka Sierra Leone xilli uu la hadlayay ciidamo tababar loo soo
xiray inay indhaha ku hayaan hormarka ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa
AMISOM ka sameeyeen dagaalo ay Shabab la galeen taasoo loo macnaysan
karo sida wargeysku leeyahay inuu ku faraxsanyahay dagaalada
Soomaaliya ka socda.
Wargesyka warbixintaan qoray ee Los Angeles Times waxaa uu ku
waramayaa in Maraykanku uu si buuxda u qalabeeyo ciidamada AMISOM
taasoo ka badan taageerada uu siin jiray 2 sano ka hor.
Dawlada Maraykanku waxay sidoo kale taagaaro badan u siisay ciidamada
Ethiopia ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2006,da inkastoo ay
ciidamada Ethiopia ay willi Soomaaliya meel ka mid ah ku sugan yihiin
walaw ay willi taageero ay maraykanka ka helaan.
Siyaasiin Maraykanka ah ayaa qaba in dawladihii soo Maraykanka tan iyo
markii ciidamo si gaar ah u tababaran oo Maraykan ah lagu dilay
Muqdisho sanadkii 1993 in dawlada Maraykanka marnaba ka shaqeyn
nabadaynta Soomaaliya
Soomaaliya oo aan wax dawlad ah laheyn muddo 20 sano k a badan waxaa
mudadaasi ka jiray dagaalo hadba wajiyo kala duwan marayay
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|