|
Maxaa ka soo baxay Shirkii dhexmaray saxiixayaasha roadmap-ka iyo Hilary Clinton ?
Mogadishu Axad 5 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxaa ka soo baxay Shirkii dhexmaray saxiixayaasha roadmap-ka iyo Hilary Clinton ?
Kadib kulankii shalay Nayroobi ku dhexmaray Xoghaya arrimaha debadda ee Maraykanka Hilary Clinton iyo Madaxda Soomaalida qaarkood gaar ahaan saxiixayaashii heshiiskii roadmap-ka ayaa wararka aan kulankaasi ka heleyno waxay sheegayaan in meelo kala duwan laga wada xaajooday.
Hilary Clinton oo shir albaabadu u xiran yihiin la yeelatay Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, afhayeenka baarlamaanka Shariif Hassan, iyo ra'iisalwasaaraha Abdiweli Ali Gaas,Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ,madaxweynaha galmudug iyo maamulka Ahlu suna xubin matalayay.
Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka Clinton waxay sheegtay inay ku qanacsan tahay ilaa hadda heerarka ay marayaan isbedellada laga wado Somalia, gaar ahaanna ansixinta dastuurka ku-meel-gaadhka ah, waxayna intaasi ku dartay in dawladda Maraykanku ay gacan ka geysan doonto dedaallada ku saabsan wax-ka-bedelka xaaladaha Somalia iyo sidii nabad waarta iyo deganaansho loo heli lahaa.
Madaxweyne shariif Sheikh Ahmed, oo shirka kadib saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in shirka labada dhinac looga xaajooday xaaladaha Somalia iyo arrimaha siyaasadduba halka ay marayaan haatan iyo hawlihii dawladda TFG ay waddey ee ay culayska saartay, iyo sida ay uga go'an tahay in la soo afjaro oo laga gudbo xilliga ku-meel-gaadhka ah. Waxay kale oo madaxeynuhu uu beeniyey eedaymaha ku saabsan in dawladdiisu ay faragelin ku hayso soo-xulashada mudanayaasha baarlamaanka cusub iyo shirka magaalada Muqdishu ee ergooyinka.
Sida BBC-du sheegtay Hilary Clinton Waxay waqtigaasi ka hor la kulantay Madaxda dalka Kenya oo ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal, in la qabto doorashooyin xaq ah oo xalaal ah kenya dhexdeeda, iyo gaar ahaan deganaanshaha gobolka iyo la-dagaallanka argagixisada. Waxay kale oo ay soo qaadeen ahmiyadda hawlgallada ciidamada nabad-ilaalinta ee Amisom ee Somalia iyo kaalinta Kenya.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|