|
Madaxweyne Siilaanyo oo magacabay Wasiiru dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobolada Bari
Hargeysa Axad 5 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Madaxweyne Siilaanyo oo magacabay Wasiiru dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobolada Bari.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012 ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasiiradu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: Baahida loo qabo Xallinta Khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgelyada iyo siyaasadda Gobollada Bari ee JSL;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo abuuridda jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL oo hoos imandoonta Madaxweynaha;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|