Somali News
    Hees  

Gen. Cabdi Qeybdiid : "1-dii Agosto waxaa la ansaxiyay dastuurka, anigana Umada Galmudug waxay ii dooratay inaan hogaamiyo.."

Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Gen. Cabdi Qeybdiid : "1-dii Agosto waxaa la ansaxiyay dastuurka, anigana Umada Galmudug waxay ii dooratay inaan hogaamiyo.."

Madaxweynaha maamulka Galmudug Satate Gen. Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid" oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qeybdiid oo hadal u jeediyay dadkii soo dhaweeyay ayaa sheegay sababta ku kaliftay inuu qabto xilka ay aheyd markii sida uu tilmaamay uu adkeysan waayay dhibaatada ka jirta Galmudug.

"Waxaan u adkeysan waayay, maadaama halgan la soo galay ay dhibaato heysata, oo kala qeybsanaan ah iyo arrinta ku saabsan ammaan darida, sidoo kale Gobolada dhexe ay qaarkood u noqday saldhig Al-Shabaab"ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.

Isagoo hadlakiisa sii wata ayuu sheegay Madaxweynaha in uu soo dhaweynayo Dastuurka qabyada ah ee dhawaan lagu ansaxiyay magaalada Muqdisho kaasoo uu tilmaamay inuu ku soo aaday ansaxintiisa maalintii isaga loo doortay madaxweyne.

"1-dii Agosto waxaa la ansaxiyay dastuurka, anigana Umada Galmudug waxay ii dooratay inaan hogaamiyo" ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug State ee ka dhisan Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Muqdisho uu u yimid arimo ay ka mid yihiin sidii kulamo uu ula qaadan lahaa masuuliyiinta Dowlada si ay uga wada hadlaan arimaha is bedelka ee ku yimid maamulka Galmudug.

Maxamed Axmed Caalin ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug, waxaana uu ka dhaxmuuqday shirkii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada nairobi, waxaana uu ka mid yahay saxiixayaasha Qariidada nabadda Soomaaliya.

Inkastoo Cabdi Qeybdiid uu yahay madaxweynaha Galmudug ee la doortay 1-dii bishan ayaan la ogeyn sida dowladda Soomaaliya ay ula shaqeyndoonto.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)