Somali News
    Hees  

Shir ay isugu yimadeen Jaaliyadda Afrikas Horn Kultur Center iyo Waalidinta

Örebro Isniin 6 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shir ay isugu yimadeen Jaaliyadda Afrikas Horn Kultur Center iyo Waalidinta

Shir ay isugu ymadeen Guddiga Jaaliyadda Afrikas Horn Kultural Center iyo Waalidinta Soomaliyeed ayaa galabta ka dhacay Shenterka Xafadda Vivalla ee Magaalada Orebro.

Waxaa shirka furay Guddomiyaha Jaaliyadda Mahdi Warsame wuxuuna soo bandhigay qorshe ah sidii Jaaliyadda iyo Waalidinta wadajir uga qeyb qaadan lahayen safar loo wadayo Caruurta maalinta ugu horeyso Ciidul Fitriga si farxadda maalintas loo darensiiyo

Dood iyo falanqeyn dheer kadib waxa leysla gartay in maalinta 19.8.2012 la tago Skara Summerland meeshaso ah goob ay Caruurta si wanaagsan ugu tamashleyn karaan maalintas
waxabo badano xiiso geliytana ka heli karaan

Ka soo qeyb galka oo ahaa mid heer sare ah,waxa gaba gabadi lagu soo dhaaweeyay Xilldhiban Yuusuf Cabdo oo ku nuux nuuxsaday sida uu ugu taagan yahay xuquuqda aan ku leenahay Degmada inuu soo dhiciyo kuna maqan yahay ilaalinta sharafta dadka uu matalo inuu ku dadaalo.








Waxaa diyariyay: Hassan Osman

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)