|
Maxamuud Cali Yuusuf : "Dowladda Jabuuti waxay ka shaqeynaysaa sidii nabad uga dhalan lahayd dalka Soomaaliya..."
Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maxamuud Cali Yuusuf : "Dowladda Jabuuti waxay ka shaqeynaysaa sidii nabad uga dhalan lahayd dalka Soomaaliya..."
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad ku soo celinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay Wasiirku in Siyaasada Jabuuti ay tahay ka shaqeynta nabadda Soomaaliya.
Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu ugu baaqay dalalka caalamka inay gacan ka geystaan sidii nabad loogu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya, wuxuuna sheegay wasiirku in Jabuuti mar walba ku dadaalayso nabad ka dhalata Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Jabuuti muddo dheer gacanta kula jirtay sidii nabadda Soomaaliya loo heli lahaa, wuxuuna sheegay inay arrintaasi soo bilaabatay sannadkii 2000 oo dowlad Soomaaliyeed lagu dhisay magaalada Carta iyo xilliyadii ka dambeeyay oo lagu soo unkay dowladda KMG ah.
Dowladda Jabuuti ayaa dhowr jeer shir dib u heshiisiin u qabatay dadka Soomaaliyeed, waxayna ku dadaalaysaa sidii Soomaaliya ay cagaheeda dib isugu taagi lahayd, iyadoo dowladda Jabuuti ay marar badan isku dayday xalinta Mushkiladda dabadaa dheeraatay ee ka aloosan Soomaaliya, iyadoo haatan dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo ka qeyb qaadanaayaan Howlgalka Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|