|
Maleeshiyaad Shabaab ah oo ku halaagsamay Qarax ay aasayeen oo ka dhacay degmada Huriwaa
Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maleeshiyaad Shabaab ah oo ku halaagsamay Qarax ay aasayeen oo ka dhacay degmada Huriwaa.
Laba dhagarqabayaal oo ka tirsanaa kooxdda al shabaab ayaa ku gogo,ay Qarax ay dhigaayeen oo ay dadka ugu aasaayeen deegaanka ceeymiska ee degmadaasi huriwaa magaaladda muqdisho.
Qaraxaan ayaa ahaa kan laga hago waxa loo yaqaan hormood contarool waxaana goobtii ay ku aasaayeen hilbahoodda lagu arkay labadii ruux ee dhagarqabayaasha ahaa ee doonayay inay dadka ku ahalagaan balse taas badelkedda uu ilaah iyagii ku abaalmariyay sida uu sheegey Guddomiayaha degmada Huriwaa Cumar cabdulle Jacfaan.oo la hadlayay raga wararka fidiya.
Godoomiyaha waxaa uu sheegay sheegey in ay miinadaasi la doonayey in lagu aaso jid ay isticmaalaan masuuliyiinta degmada oo uu isagu ka mid yahay, isagoo ku eedeeyey falkaasi fashilmey kooxddaAlshabaab.
Dadka ku sugnaa aaga uu qaraxu ka dhacey ayaa sheegey inuu ahaa mid xoogweyn oo dhamaan degmada oo dhan laga maqlayey waxayna sheegey inay indhahoodda ku arkeen labo qof oo hilibkoodii googa’ay oo meesha yaala.
Shacabka ku dhaqan degmada Huriwaa ayaa mudooyinkii u danbeysey waxey ka cabanayeen amaan dari baahsan oo ka jirta degmada Huriwaa iyadoo ay ka jiraan falal dhac iyo kufsi isugu jira oo ay dadku aad uga cabanayaan.balse ay u sii dheertahay qaraxyadda iyo dilalka qorsheysan eel ala beegsanaayo inta badan dadka shacabka ah eek u dhaqan degooyinka gobolka banaadir.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|