Somali News
    Hees  

Dhaga badan: "Marnaba ma istaagi doono howlgalka aanu wadno, balse waxaan muhiimada siinaynaa u gargaarida dadka..."

Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Dhaga badan: "Marnaba ma istaagi doono howlgalka aanu wadno, balse waxaan muhiimada siinaynaa u gargaarida dadka ku dhibaateysan deeganada aan ka xureynay Shabaabka.."
 
Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf Aadan "Dhega-badan" ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka inay gargaar degdeg ah la soo gaaraan dadka ku nool Deegaanadii ugu danbeeyay ee laga xureeyay Al-shabaab.

Generaal Dhagabadan ayaa wuxuu tilmaamay in dadka ku sugan deeganadaasi ay haysato xaalado adag oo dhanka nolosha ah ayna doonayaan in la caawiyo,qorshana uu yahay in si deg deg ah wax loo gaarsiiyo.

Waxaa uu sheegay Dhegabadan mar wax laga weydiiyay Howlgalada ay wadaan inay sii socon doonaan iyo in kale ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgalka aanu istaagi doonin balse waxaa uu carabka ku dhiftay in muhiimada ay siinayaan u gargaarida dadka dhibaateysan ee ku sugan deeganada ay ka xureeyeen Shabaabka.

Abaanduulaha ayaa ku eedeeyay kooxda Al-shabaab in bililiqo baahsan ay ka geysteen deehaanka No 50 markii ay ka baxayeen waxaana uu sheegay in Saddex Matoor oo soo saari jiray Biyaha ay horay uga qaateen.

Waxaa uu tilmaamay hadaan dadkaasi cuno iyo Biyo lala soo gaarin inay qatar ugu jiraan inay u geeriyoodaaan Gaajo iyo Haraad, waxaana uu ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha inay soo gargaaraan dadkaasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)