|
Dr. Abdurahman Macalin Abdullahi (Baadiyow): "Waxa aan soo dhowaynaynaa in dowlada Maraykanku ay danaynayso taageeraysana..."
Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dr. Abdurahman Macalin Abdullahi (Baadiyow): "Waxa aan soo dhowaynaynaa in dowlada Maraykanku ay danaynayso taageeraysana in bulshada Soomaaliyeed ka gudubto dhibaatada dabada dheeraatay.."
Warsaxaafadeed ku saabsan kulankii xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanka iyo saxiixayaasha road-mapka Soomaaliya ee Nairobi.
Xarunta murashaxa ololaha Dr Baadiyow markii ay aragtay ayna lafagurtay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka kor ku xusan waxa ay ku baaqaysaa sida soo socota:
1 – waxa aan soo dhowaynaynaa in dowlada Maraykanku ay danaynayso taageeraysana in bulshada Soomaaliyeed ka gudubto dhibaatada dabada dheeraatay sida ay cadaysay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka maraykanku.
2 – waxa aan sidoo kale soo dhawynaynaa in madaxda Soomaaliyeed lagu dhiiri geliyo in ay ku dhamays tiraan hawlaha kala guurka xilligii loo qabtay, si loo helo dawlad Soomaaliyeed oo karti u leh in ay xilkeeda u gudato si wadajirnimo iyo wada xisaabtan ah.
3 – waxa aan markale muujinaynaa sida aan uga walaacsannahay faragelinta iyo cabsi gelinta joogtada ah ee madaxda TFG-du ay ku hayaan odayaasha soo xulaya xubnaha baarlamaanka.
4 – waxa aan ugu baaqaynaa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya in uu kaalintiisa si da ugu haboon u fuliyo, oo uu isha ku hayo hawlaha loo xilsaaray. Sidoo kale waxa aan UN ka iyo Hay,adaha kale ee caalamiga ah ugu baaqaynaa in ay Soomaaliya u soo diraan goob-joogayaal hubiya habsami u socodka hawlaha kala guurka.
5 – waxa aan Golaha Ammaanka ugu baaqaynaa in uu si aan ka leex-leexad iyo dib u dhig midna lahayn uu goaan uga qaato baaritaankii ka soo baxay Monitoring Group July, 2012 ee ku saabsanaa maamul xumada iyo lunsiga hantida qaranka Soomaaliyeed.
Waad mahadsantihiin
Xafiiska warfaafinta.
Ee Musharaxa Dr. Abdurahman Macalin Abdullahi (Baadiyow)
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|