|
Shirkadda Dahabshiil Group oo si weyn uga qaybqaadatay hirgelinta kharashaadka tartanka Bisha Ramadaanta ee Qur'aanka kariimka ah
Hargeysa Isniin 6 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Shirkadda Dahabshiil Group oo si weyn uga qaybqaadatay hirgelinta kharashaadka tartanka Bisha Ramadaanta ee Qur'aanka kariimka ah
Shirkadda Dahabshiil Group ayaa si weyn loogu amaanay kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee ka soo qaadatay daadihinta iyo habsami u socodka tartamadii Kitaabka Qur’aanka ahee bisha barakaysab ee Ramadaanta la soo qabanjiray tan iyo sanadkii 1997-kii.
Sidaana waxaa lagu sheegay khudbado dhaadheer oo galabta ka dhacay xafladdii lagu soo khatimayey tartankii bishan aan ku jirro ee Ramadaanta ee qur’aanka kariimka ah oo ay ka qaybqaadanayeen adray dayaryar oo ka kala socday dhamaan Goballada Somaliland oo dhan.
Xafladdaasi balaadhan ee loo qabtay soo xidhitaanka tartankaasi oo si quruxbadan loo soo abaabulay isla markaana ahayd laysku arkay waxaa ka soo qaybgaay Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi,Maamulaha shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale,Cabdifaarax oo kamida saraakiisha sarsare ee Dahabshiil Group,Professor Xasan Maxamed Jaamac oo ah madxa xafiiska xidhiidka dadweynaha iyo warbaahinta ee Dahsbhiil Group,Madaxa xafiiska Iibka iyo suuq geynta ee shirkadda Somtel Iid Muuse Muxumed iyo madaxa fadiiska xidhiidhka Gobalada ee Somtel Sheekh Aadan Cabdulle.
Dhanka kalana xafladdaasi waxaa si weyn uga soo qaybgalay inta badan culimada waaweyn ee Somaliland ugu caansan sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir,Sheekh Maxamed Aadan,Sheekh Ismaaciil Cabdi hurre,Sheekh Maxamed Cali Gadhle iyo qaarkale oo badan.
Tartankaasi oo ay ku tartamayeen dhamaan arday matalasyay gobalda Somaliland oo dhan waxay ku tartamayeen 2da qaybood ee 30 ka Juz, iyo 15ka Juz waxaa kaalinta 1aad galay arday ka socday Gobalka Togdheer halka ay kaalmaha 2aad,3aad iyo 5aad ba galeen arday ka socotay machadka xifdiga Qur’aanka ee Aflax ahlka uu kaalinta 4aadna galay aray ka socday magaalada Gabaliey.
Munaasidda maanta loo qabtay tartankaasi oo la odhankaro waxay ahayd tii ugu meeqaamka saraysay marka loo eego kuwii ka horeeyey ee la soo qabanjiray waxay u dhacday si aad u quruxbadan oo macaan.
waxaanay dhamaan ka sinaayeen masuuliyiintii madashaasi ka hadashay amaanta iyo u mahad celinta shirkadda Dahasbhiil Group sida qiimaha iyo xilkasnimada leh ee ay uga soo baxday waajibaadkaasi balaadhan ee aanay jirin cidkale oo ku dhiiraytay gudashadiisa.
“Ilaahaybaa mahad lehe waxaanu halkan uga mahad celinaynaa shirkadda weyn ee Dahabshiil oo tan iyo dhawr iyo sagaashankii ah shirkadda kaliya ee kharashaadka faraha badan ku soo bixinaysay tartankaasi” sidaa waxaa yidhi Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre oo ku hadlayey magaca Guddigii qaban qaabada ee tartankaasi.
Baahinta barnaamijkaasi waxay ahayd mid si toosa hawada looga daawanayey isla markii ay xafladdaasi socotay waaxaana barnaamijkaasi ku tabarucday baahintiisa Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel oo horey looga bartay inay barnaamijyada noocan oo kale ah iyo kuwa siyaasaddaba ku baahiso internet keeda awoodda badan leh si ay goobta waxa ka socoda dadweynuhu dunida dacaladeeda uga daawadaan.
Munaasibadda waxa lagu furay saddex arday oo ka mid ahaa ardaydii tartanka ka qaybgashay oo ka kala socday magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Gabiley, kuwaas oo ka mid ahaa wiil aad u da’yar oo ka socday Hargeysa oo tartanka kaga qaybgalay soddonka Jus ee Qur’aanka, waxaannay halkaasi ka akhriyeen aayado Qur’aanka ka mid ah.
Sheekh Mubaarak Faarax oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ardayda tartanka ka qaybgashay ay iskaga kala yimaadeen dhammaan gobollada dalka Somaliland, kuwaas oo ku kala tartamayey saddex qaybood oo kala ah Sheekh Ismaaciil Dheeg oo ka mid ahaa guddiga qabanqaabadan ilaa waqtigii la bilaabay oo xafladda ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dhammaan dadkii ka qaybgalay iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay hirgelinta iyo qabashada tartankan Qur’aanka ah.
“Waxaannu u mahadnaqaynaa shirkadda Dahabshiil ee dhawr iyo tobankii sanno ee u dambeeyey maalgelinaysay tartankan. Waxa kale oo aannu u mahadnaqaynaa guddigii culimada garsoorka ah iyo weliba bahda warbaahinta,’ ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Dheegg.
Sheekh Ismaaciil waxa uu sheegay in ujeedooyinka laga leeyahay qabashada tartankan Qur’aanka ah ay ka mid yihiin; in la nooleeyo Kitaabka Qur’aanka bisha Ramadaan, in la soo bandhigo heerka dhallinyarada Somaliland ka marayaan xifdigga Qur’aanka, in aynu dhallinyarada mashquulka ku ah Qur’aanka Kariimka ah aynu dhiirigelino, waxaynu doonaynaa in aynu diyaarino ducaadii burrito.
“Tartankani waxa uu soo maray saddex heer oo uu kow ka ahaa mid aynu ku magacaabi karno kii bilowga oo ahaa 1991-kii ilaa dhawr soogashaankii, marxaladii labaad waxay ahayd tii soo shaac-baxa oo ah wixii ka horreeyey sannadkii 2000, marxalada saddexaadna waxaynu ku tilmaami karno marxaladii bisaylka iyo horumarka oo waqtigaa ilaa iminka ay maalgelinayso
Waxa gobollada dalka laga soo xulay 70 wiil iyo ilaa 30 hablo ah oo iyaga laga soo xulay madarasadaha magaalada Hargeysa, ardydaasi 34 arday ayaa ku tartamayey soddonka Jus, 36 ardayna waxay ku tartamayeen 15 jus.”
Waxa kale oo uu Sheekhu sheegay in culimada garsoorka ka ahaa tartankan laga soo xulay gobollada dalka oo dhan, si aan loo odhan waxa dhexdhexaadinayey culimo gobol keliya ka yimi.
Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa madasha ka jeediyey khudbad ka warramaysa muhiimada Kitaabka Qur’aanku leeyahay oo uu tilmaamay inay ka mid yihiin; inuu ehelkiisa shafeeco qaadi doono maalinta Qiyaamaha, in ummadaha Kitaabka Qur’aanka wayneeya uu Ilaahay kor u qaado, kuwa hoos u dhigana uu dulleeyo, in ilaahay naxariis iyo raxmad ku soo dejiyo goobta ama meesha lagu akhriyayo Qur’aanka,” ayuu yidhi Sheekhu.
Sheekh Dirir waxa uu sheegay in ay Qur’aanka inagala gudboontahay in la ilaaliyo, in la wayneeyo oo la sharfo, in Qur’aanka lagu cibaadaysto, in marka la akhriyayo la dhegaysto, in la wanaajiyo sida loo akhriyayo Qur’aanka, in Qur’aanka lagu camal-falo meel kasta noloshada dadka muslimiinta ah iyo in Qur’aanka la isku daweeyo.
Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyey tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo uu sheegay inuu yahay mid xalaal ah oo dhiirigelinaya dhallinyarada.
“Annagu shirkad ahaan mar walba wixii ummad ahaan ina dhisaya, ama diin ahaan, dhaqankeena iyo dhaqaale ahaanba ina anfacaya mar walba diyaar baanu u nahay in aannu ka qaybqaadano,” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid waxaanu xusay muhiimadda ay leedahay inuu gancasigu ahaado mid furan oo ay dadku si xorr ah oo xalaal ah suuqa ugu tartamaan kaasi oo aan ahayn is xagg xagasho iyo caytan toona “annagu waxaanu aaminsanahay inuu tartanku ahaado mid furan oo xorr ah oo xalaal ah balse aan xaga xagasho iyo cayntan toona ahayn sida qurkaankaasi kariimka ah oo kale loogi tartamaey” ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Ducaale.
Maamulaha Dahabshiil Group waxa uu sheegay inuu kula faraxsan yahay ardayda iyo waalidkii dhalayba kaalmaha quruxda badan ee ay ka galeen tartankaasi iyo abaalmairnada kala duwan ee halkaa lagu gudoonsiiyey isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan aad iyo aad ugula faraxsanahay oo aan dareenkooda la wadaagayaa ardayda tartankaasu ku guuleysatay ee kaalmaha sare gashay iyo waalidkii dhalay oo iyaguna ubadkooda kula faraxsan munaasibaddani awgeed”
Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo soo gunnaanaday khudbadaha xafladda laga jeediyey, ayaa u mahadnaqay guddiga culimada ee tartanka qabatay, ardayda ka qaybgashay iyo cid kasta oo ka gacan gaysatay. Waxa kale oo uu si gaar ah ugu mahadnaqay shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay inay noqotay shirkadda keliya ee ku guulaysatay inay mar walba maalgeliso tartannada Qur’aanka.
Waxa kale oo uu ka warramay xidhiidhka ka dhexeeya Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo bisha barakaysan ee Ramadaan, isagoo xusay in Ilaahay Qur’aanka soo dejiyey bil Ramadaan, isla markaana uu ka jiro habbeenka barakaysan ee Laylatul-qadriga.
“Ujeedada kale ee laga leeyahay qabashada tartankan ee bisha Ramadaan in lagu dhiirigeliyo ubadka yaryar, laguna barbaariyo, si aynu u helno ubad xambaara Kitaabka Ilaahay. Annaguna xukuumad ahaan waanu soo dhawaynaynaa oo mar walba diyaar ayaanu u nahay in aannu dhiirigelino” ayuu hadalkiisa kaga baxay Sheekhu.
Gabagabadiina waxay masuuliyiintii ka soo qaybgalay xafladda xidhitaanka tartanka qur’aanka kariimka ah ee bisha barakaraysan ee Ramadaanta halkaa shahaadooyin iyo lacago iyo alaabooyinkale oo muhiim ah ku gudoonsiiyeen ardaydii mutaysay abaal marintaasi ee kaalmaha kaladuwan ka galay tartankaasi.
Sheekh Khaliil Cabdilaahi wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu sheegay inaysan xafladdaasi qabsoonteen hadii aanay jiri lahayn Shirkadaha mataana ah ee Dahabshiil oo sidii aan xagga hore ku soo sheegnay bixisay dhamaan dhaqaalihii ku baxay ilaa Gobalada ardaydii iyo macalimiintii ka imanayey iyo xataa xubnaha kale ee cumlimadii ku hawlanayd barnaamjikaasi iyo shirkada Somtel oo sidii caadada u ahaydba ku deeqday baahinta tooska ah ee barnaajikaasi.
“sidii ay masuuliyiintii iga horeeyey sheegn waxaan halkan u ga mahad celinayaa shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel oo la’aandoot aanay xafladdan quruxda badani suurto gasheen” ayuu yidhi wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi.
Waxaa iyaguna sidoo kale mahad celin balaadhan oo taasi oo kale ah u jeediyey shirkadaha Dahabshiil iyo Somtel Imaamka Masaajidka Cali Mataan Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Mubaarak Faarax oo iyagu si wadajira barnaamijkaasu u daadihinayey,waaanaya labaduba carabka ku adkeeyeen kaalinta balaadhan ee ay Shirkadahaasi kaga jiraan waxka qabashada arrimaha bulshada gaar ahaan xafladaha noocan oo kale ah ee samafalka kheyriga ah “Shirkadda Dahabshiil oo sanad kastaba iyadu inoo qabata barnaamijkan waxaan leenahay ilaahay wixiina haydiin barakeeyo bulshaduna way ogtahay abaalka aad u gashaan had iyo goorba” sidaa waxaa khudbadiisii hore ku daahfuray xidhiidhiyaha barnaamijkaasi Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo isagana iyo masaajidkiisa uu Imaamka ka yahayba lagu amaanay dadaalkii ay ku bixiyeen qabsoomidda tartankaasi qur’aanka kariimka ah ee bisha barakasyan ee Ramadaanta ee maanta la soo gaga gabeeyey.



Jamaal Ibrahim Maxamed
Somaliweyn Media Center
Hargeysa,
Tel. 002522-4405388
mustaqbal7@hotmail.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|