Somali News
    Hees  

Xaflad lagu taageerayey Madaxweynaha Galmudug Gen Cabdi Xasan Cawale Qeybdiid oo lagu qabtey Stockhlom

Stockholm Isniin 6 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimey isla markaana lagu taageerayey isbedelka Dowladgoboleedka Galmudug ayaa lagu qabtey Hotelka Jubba magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

Xafladaan oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden. Ugu horeyntii ayaa waxaa aayado qur,aan ah iyo hadalo taageero ah ka soo jeediyey Macalin Siciid xasan Cilmi Fagaas isagoo ku dheeraadey Macalinku sidey muhiim u tahay in la taageero lana soo dhoweeyo Madaxda cusub ee Maamulka Galmudug ee uu Madaxweynaha ka yahay Gen. Cabdi Xasan Cawale qeybdiid.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaas ka hadlay Maxamed Ali xirsi oo ka mid ahaa dadkii xilalka ka soo qabtey Dowladii dhexe ee Soomaaliya waxuuna carrabka ku dhuftey in uu Genaral Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ay soo wada shaqeeyeen si fiicana u yaqaano isla markaana uu yahay shaqsi karti leh kana soo bixi kara xilka loo magacaabey, ayadoo dadkii halkaas ka hadlay ay aad u badnaayeen ayaa waxaa ka mid ahaa Cbdulqaadir Soofe, Cali Axmed xayd, Gud. Ururka dhalinyaradda galmudug Cabdirisaq Maxamed Xaashi, Maxamed Axmed Jilibey timacadde,Xasan Macalin Maxamed Gud, ururka haweenka galmudug Nasteexo Max,ed cilmi, Mubaarak ismaaciil oo ka socdey Jaaliyada Qaatuma State, Cabdulqaadir foodxuuxCabdullahi Muuse Abtidoon Crisaaq sarcad Xaawo Sahal, Cabdulqaadir sandheere iyo dadkaloo aad u badan waxeyna dhamaantood soo dhoweeyeen Madaxweynaha Cusub ee galmudug Mudane Cabdi Xasan Cawale Qeybdiid Madax weyne ku xigeenka Cabdi samad Nuur Guuleed Gudoomiyaha baarlamaanka Xasan Maxamuud Heyl iyagoo u rajeeyey in xilka culus uu Ilaaheey la garab galo Dhanka kale waxey u duceeyeen Madaxweynihii hore mudane Maxamed Axmed caalin iyagoo Ilaaheey uga baryey Caafimaad, waxayna dhamaanba u mahadceliyeen waxqabadkii maamuladii hore ee soo marey Galmudug. Dhanka kale
waxaa tix baraanbur ah oo isugu jira amaan iyo duco ka soo jeedisey Farxiyo Cabdul kalajaban iyadoo ay aad ugu riyaaqeen dhamaan dadkii ka soo qeybgaley munaasabada.

Guud ahaan xafladan oo ahayd taageero buuxda oo loo dirayey Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa waxey ku soo gabogabowdey sidii loogu talogaley.

















Fardowsa sh xasan Kuriya.
fardowsok@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)