|
Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda KMG ah ku dhaxmaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool
Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda KMG ah ku dhaxmaray Degmada Xudur ee gobolka Bakool
Wararka ka imaanaya Gobolak Bakool ayaa sheegaya in Xaalad cakirnaan ah ay ka jirto degmada xudur kadib markii dagaalo faraha looga gubtay oo socday mudo saacadaha uu halkaaski ku dhaxmaray ciidamada Dowalda iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la tilmaamay in dhowr jiho weerar uga qaaday degmada Xudur oo ciidamada Dowada iyo kuwa Itoobiya ay gacanta ku haayeen waxaana la shegayaa in dagaal foolka fool ah uu dhaxmaray labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanaada Al-shabaab ay gudaha u galeen degamad Xudur, waxaana inta la xqiijiyay dagaalka ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 10-ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay.
Xaalada ayaa haatan ah mid cakiran waxaana hawada ka maqan isgaarsiintii, waxaana labada dhinac ay kala sheeganayaan guulo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamda dowlada ay iminka gacanta ku haayaan iminka degmada Xudur hase yeeshee waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dagaalo ay ka dhacaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|