Somali News
    Hees  

Kooxo ku Hubaysan Bastoolado oo ku dilay magaalada Garoowe Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kooxo ku Hubaysan Bastoolado oo ku dilay magaalada Garoowe Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibana ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in saakay lagu khaarajiyay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugal.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen laba nin oo ku hubeysan Bistoolado isla markaana Soo duubtay wajiyada wajiyada, waxaana la tilmaamay in goobta ay ka baxsadeen.

Allaha u naxariistee Marxuunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sheeybe Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka mid ahaa Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland.

Dhinaca kale Xiligii la dilayay ayaa la tilmaamay Xildhibaanka inuu ka soo baxay Masjid aan sidaa uga fogeyn

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)