Somali News
    Hees  

Shirkadaha Dahabshiil Group oo dhamaaan cusbataalada magaalooyinka waaweyn gaadhsiisey deeq xoolo nool ah

Mogadishu Isniin 6 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shirkadaha Dahabshiil Group oo dhamaaan cusbataalada magaalooyinka waaweyn gaadhsiisey deeq xoolo nool ah
 
“Waxa shirkadaha Dahabshiil Group(Somtel, Dahabshiil Bank ) farxad u ah inay kagala qayb-qaadato Bisha Ramadaan ee Barakaysan  ummadda Muslinka ah, gaar ahaan, dadka bukaan-jiifka ku ah cusbataallada dadweynaha (Public Hospitals) ku kala yaalla 20 magaalo oo ay ku yaaliin xafiisyada ugu waaweyn shirkada Dahabshiil deeq  xoolo nool ah si loogu daryeelo dadkaa jilicsan fadliga bishaa barakaysan awgeed.

“Waxa Shirkadaha Dahabshiil Group ugu talo galeen in 500 oo neef loo kala qaybiyo bukaan-jiifka  cusbataallo ku kala yaalla magaalooyinka ay ka mid yihiin : Moqdisho, Hargeisa  Berbera Borama, Gabiley, Buuhoodle, Laas Caanood Ceerigaabo Burco Bossasso Beledweyn, Jowhar, Garowe. Gaalkacyo Galmudug, Baydhabo-Bay, Xuddur-Bakool, Kismaayo, Buu’aale iyo Garbahaarrey. Waxa deeqdan laga qaybinayaa 20ka magaalo isku mar oo ku beegan  maanta oo bisha August tahay 5, 2012.
“Deeqdani waxay qayb ka tahay mucaawinooyinka sida joogtada ah bulshada soomaaliyeed ee danyarta ah shirkada Dahabshiil Group ugu taakulayso.”

Shirkada Dahabshiil oo ka shaqaysa in ka badan 155 dal waxa ay sanad kasta ugu deeqdaa dadka soomaaliyeed deeq gaadhaysa malaayiin doolar.




Hassan M Jama "Heiss"
Public Relations & Media
Dahabshiil Operations Center
Tel. +47 6705 9884 (Office); +252 7 9100001
Alternative eMails: hassanheiss@gmail.com; hassanheiss@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)