Somali News
    Hees  

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dowlada Shiinaha ay balan qaaday inay dhanka ammaanka kala shaqeynayso

Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dowlada Shiinaha ay balan qaaday inay dhanka ammaanka kala shaqeynayso
.

Xaamud Cali Maansheeye Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa u sheegay idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho in kulan uu kaga qeybgalay dalka Shiinaha ballan qaadyo kala duwan loogu soo sameeyay dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu ahaa mid looga hadlaayay Wadamada Geeska Afrika.

Wasiiru dowlaha waxa uu sheegay in loo balan qaaday deeqo waxbarasho oo la siinayo ardayda Soomaaliyeed, isagoo cadeeyay in deeqahaasi waxbarasho ay yihiin kuwo imaanaya 4-ta sanno ee soo socota.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya in dowladda Shiinaha ay kala shaqeynayso dowladda Soomaaliya dhanka ammaanka sidii loo sugi lahaa iyo tababarada ciidamada dowladda KMG ah la siiyo, sidoo kale labada dal waxa ay ka wadahadleen adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo dalka Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa bilowday inay dalalka Afrika Xiriirka ay la leedahay ay aad u xoojiso, iyadoo wadamada Afrika u samaynaysa Mashaariic kala duwan oo dalalkaasi lagu hormarinaayo, iyadoo shirarkaasi balan qaadyo kala duwan loogu sameeyay Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)