|
Qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo Maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo Maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Qarax Miino ayaa Maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya waxaa lagula beegsaday xaafaad xaawo taakoe e magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka la heleyo ayaa sheegaya in miino oo meelaha fog fog laga hagayay inay mar kaliya ku qaraxday ciidamada Itoobiyaanka taasoo sababtay qasaare soo gaaray ciidamada Itoobiyaanka inkastoo aan la cadeyn inta uu la egyaha khasaraha gaaray ciidamada Itoobiyaanka.
Goob joogayaasha ayaa xaqiijinaya in khasaare uu soo gaaray ciidamada balse markii la kala cararay islamarkaana aan ay adag tahay in la sheego tirada rasmiga ah ee ciidamada ka dhimatay ama ka dhaawacantay.
Sidoo kale goob joogayaasha waxaa ay sheegayaan in ciidamo dheeraad ah oo meesha soo gaaray iyo kuwii ka badbaaday qaraxa inay baaritaano degeg ah sameeyeen islamarkaana ay dad badan qabqabteen.
"dad badan ayay qabqabteen koley meelaha ay dagan yihiin ayay ula dhaqaaqeen"ayuu yiri qof goob jooge ah oo ka hadayay
Qaraxyada Itoobiyaanka lala eegto ayaa aas u sii kordhaya marka la eego meelaha ay soomaaliya ka joogaan iyadoo inta badan qaraxyadaasi lala eegto marka ay xerooyinkooda ka soo baxaan una socdaan xero kale.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|