Somali News
    Hees  

Askar ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho iyo Al-Fannaan Cabdi Tahliil oo dalka dibadiisa daweyn loogu qaaday

Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Askar ku dhaawacmay dagaallada Muqdisho iyo Al-Fannaan Cabdi Tahliil oo dalka dibadiisa daweyn loogu qaaday

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa maanta ka dhoofay ciidammo ku dhaawacmay dagaallada ay kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay
isbitaalada Muqdisho si loogu soo daweeyo dalka dibaddiisa.

Ciidamada la dhoofiyay oo tiradoodu gaareyso lix waxay isugu jireen saraakiil iyo askar dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen dagaallada ka socda gobollada ku dhow magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagu qaba dhaawacyo dhinaca jirka ah isla markaana qaarkood ay lafahoodu
jajabeen.

"Waxay ciidamadan ku dhaawacmeen dagaallada ka socda dalka iyo gobollada ku dhow-dhow, waxaana dadaalka lagu qaadayo intiisa badan iska leh madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana rajeynaynaa inay caafimaad kusoo laabtaan," ayuu yiri Abuukar Xaaji Warsame (Xuute)

Abuukar Xuute oo dhoofinta askartan u qaablisan wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in tallaabadan ay dhiirigelin u noqonayso askarta kale ee dowladda KMG ah oo dagaal kula jira Ururka Al-shabaab, inay ogaadaan kuwa hadda ku sugan aagagga dagaalka in iyana heegan loola yahay daryeel caafimaad oo midkaan la mid ah.

Dhaqaatiirta dalku waxay sheegeen inaan gudaha waxba looga qaban karin askar tiradoodu gaareyso 12-askari, kuwaasi oo lixdii askari ee hore horraantii bishan laga dhoofiyay dalka si dibadda loogu soo daweeyo, kuwaasi oo haatan xaaladooda caafimaad soo hagaageyso.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in daweyn dibadda ah la ii qaado, waayo afar bil ayaan dhaawacanahay" ayuu yiri Cabdi Xasan Guuleed oo ka mid ahaa askartii maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaraha ee Muqdisho, isagoona uga mahad celiyay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga inay ku dhaqaaqaan tallaabadani.

Dhinaca kale xubnihii maanta loo qaaday dalka dibadiisa waxaa ka mid ahaa Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame oo aan isagu la hadlin saxaafadda ayaa wuxuu in mudda ahba sugayay jawaabta codsi uu u gudbiyay madaxda dowladda KMG ah oo ahaa in lagu soo daweeyo dalka dibaddiisa, waxaana si xun u naafeeyay fannaanka cudurka dhiig-karka oo ka itaal-darreeyay
lug iyo gacan oo ku dhowaad muddo sanad ah la il darnaa.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)