|
Saraakiisha Ciidamadda Dowladda KMG iyo Kooxdda Al-Shabaab oo si gooni gooni ah uga kala hadlay dagaalkii ka dhacay degmadda Xudur
Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Saraakiisha Ciidamadda Dowladda KMG iyo Kooxdda Al-Shabaab oo si gooni gooni ah uga kala hadlay dagaalkii ka dhacay degmadda Xudur
Saraakiisha ciidamnadda dawladda Soomalaiyeed ee kusugan Gobolka Bakool gaar ahaan degmadda xudur oo saacadihii la soo dhaafay dagaalo faraha looga gubtay ay ka dhaceen ayaa waxay dagaaladaasi ka hadleen iyagoo sheegay sida ay wax u dhaceen iyo guulaha ay ka gaareen dagaaladaasi ay ku soo qaadeen koxdda Al-Shabaab ee weli dagaaladda ka wadda gobolkaasi qeybo ka mid ah.
Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo xiligaan ku sugan degmadda xudur ayaa sheegay in kooxdda Al-Shabaab ay Gaarsiiyeen wax uu ugu yeeray khasaare xoog leh oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis ay ka qabteen, isla markaana ay aheyd xeelad ay u dageen in magaalada soo galaan.dagaalkii ka dhacay degmadda Xudur.
"Xeelad ciidan ee loo sameeyay ayay aheyd, ee ma aysan aheynin awood ay nagu soo jiireen markii ay soo galeena waa lalaayay, waxayna goobta dagaalka kaga carareen maydad dhan 53- oo uu sheegay inay weli yaaliin halkii lagu dilay waxaana uu sheegay inay sawiradooda soo gudbin doonaan .
Dhinaca kale Afhayeenka howl galada kooxdda Al- Shabaab ugu qaabilsan Ninka lagu magacaabo C/casiis Abuu Muscab ayaa isaguna dhiciiisa isagoo u hadlayay kooxdaasi waxaa uu sheegay in dagaalka ay si qorsheysan u qaadeen, isla markaana ay kula wareegeen magaalada, dibna ugu soo laabteen taas oo aaney jirin cid cadeyn u haysa marka alaga reebo hadalka ka soo yeeray Muscab.
Waxaa kaloo uu hadalkiisa intaasi ku daray musucab "Waxaan ka dilnay ilaa lixdan xabashida, dhanka Mujaahidiinta waxaa ka shahiiday ilaa todobo Askari"ayuu yiri Abuu Muscab oo intaa ku daray in dagaalka ay guulo ka gaareen.
Xaalada degmada Xudur ayaa caadi ku soo laabatay, iyadoo markii dagaalada ay bilowdeen hawada laga saaray Isgaarsiinta guud, taasoo suura gelin weyday ogaanshaha xaqiiqda dhabta ah ee dagaalka halkaasi ka dhacay iyo sida ay wax u dhaceen
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|