Somali News
    Hees  

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo laga dalbaday inay sii daayaan Badmaaxayaal u dhashay dalka Sirilaanka oo ay afduub u haystaan

Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo laga dalbaday inay sii daayaan Badmaaxayaal u dhashay dalka Sirilaanka oo ay afduub u haystaan.

Qaar kamid ehelada badmaaxayaasha u dhashay wadanka Srilanka ee lagu haysto xeebaha Soomaaliya ayaa soo saaray baaq ay kaga dalbanyaan Burcad badeeda Soomaalida inay sii daayaan Badmaaxayaasha u dhashay Sirilanka.

Xaaska Injineerka markabka ragani ay saaran yihiin Vilasini wakwella ayaa ka codsatay dowlada wadanka Srilanka inay ka jawaabto dalab uga yimid kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee gacanta ku haya markabkaas iyo badmaaxiinta saran, si badmaaxayaashu u helaan xornimo.

Xiriiro ay la seemeeyeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida haweeneydan ayay sheegtay iney doonayaan lacag madaxfurasho ah oo gaareysa ilaa $ 1.4 Million oo doolarka Mareykanka ah.

Dhinaca kale Badmaaxayaasha iyo markabkooda ayaa laga afduubtay meel ku dhow xeebaha gacanka cadmeed November 2010-kii, iyadoo badmaaxayaasha ay ka kooban yihiin ilaa iyo 14-ruux oo u dhashay dalka Sirilanka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)