|
Gudoomiye Tarsan: "Suurtagal maaha in qoys soomaaliyeed uu iska daganaado ilmana ku dhalo guri uusan isagu laheyn"
Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Gudoomiye Tarsan: "Suurtagal maaha in qoys soomaaliyeed uu iska daganaado ilmana ku dhalo guri uusan isagu laheyn"
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay dadka degan gurayaha aysan laheyn muqdisho inay ka baxaan si dadkiii lagaa ay u soo degaan.
Tarsan ayaa sidaas oo kale ugu baaqay dadka hada ka maqan guryahooda inay Muqdisho ku soo laabtaan ayna ka maamul ahaan balan qaadaan in cid kasta xaqiidii dib loogu celiyo.
"Suurtagal maaha in qoys soomaaliyeed uu iska daganaado ilmana ku dhalo guri uusan isagu laheyn" ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
Tarsan ayaa ku adkeeyay dadka hada degan guryo aysan laheyn inay baneeyaan si dadkii lahaa ay u soo degaan.
"Qoysaskii guryaha ku lahaa Muqdisho ee hada ka maqan ha soo laabtaan waxaan balan qaadeynaa inaan ka saarno kuwa hada ku jira" ayuu yiri Gudoomiye Tarsan,
Dhinaca kale Dowladda KMG ah ayaa dhowr jeer oo haray si qasab uga saartay dad iska deganaa dhismayal dan guud ah, si dowladdu ugu shaqeyso dhulkaasi, wuxuuna hadalka Gudoomiyaha dhiirigelin u yahay dad badan oo guryahooda si qasab ah looga degan yahay inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|