Somali News
    Hees  

Madaxii laanta afka Soomaaliga BBC oo ku biiray musharaxiinta jagada Madaxweynaha Dowladda cusub

Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Madaxii laanta afka Soomaaliga BBC oo ku biiray musharaxiinta jagada Madaxweynaha Dowladda cusub

Madaxii laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay inuu yahay musharax u taagan jagada Madaxweynaha Dowladda cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Musharax Yuusuf Garaad in haddii loo doorto jagada Madaxweynaha uu wax badan ka qaban doono xaaladda dalka uu ku sugan haatan, isagoona tilmaamay in sidoo kale uu wax ka bedelayo hab-maamulka dowliga ah oo uu sheegay in haatan ay wax badan ka qaldan
yihiin.

"Waxaan ka ruqseystay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, waxaana tegayaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato dib u dhiska iyo xasilinta" ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar Axmed bogga uu ku leeyahay aaladda Internet-ka ee Facebook-ga iyo Twitter-ka.

Yuusuf Garaad oo muddo 20-sano ah ka soo shaqeeyay BBC World Service ma aha markii ugu horeysay ee uu ku hamiyo inuu mar uun Madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya, isagoo sanadihii ugu dambeeyay u ololeynayay qorshihiisa ku aadan musharaxnimada tartanka Madaxweynenimo ee dalka
loogu dhisayo.

Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Yuusuf ayaa ku soo beegmeysa xilli 20-maalmood ka yar ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Dowladda rasmiga ah ee uu dalku yeelanayo, tiiyoo ay jagadani isku soo sharxeen musharaxiintii ugu badnaa ee abid isku soo sharxa madaxweynenimada Dowladda Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)