|
Uganda oo 28-saraakiil dhanka cirka ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho
Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Uganda oo 28-saraakiil dhanka cirka ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho.
Dowladda Uganda ayaa baahisay in dalka somalia gaar ahaana magaalada
Muqdisho ay u soo dirtay saraakiil dhinaca hawada ah oo tiradoodu ay
gaareyso 28 sarkaal iyo hubka diyaaradaha dagaalka si looga hortago in
la carqaladeeyo doorashooyinka somalia ee bishan august ka dhacaya
magaalada Muqdisho.
Madaxa ciidamada difaaca dalka iyo Uganda General Aronda Nyakariima
iyo sarkaalka ugu sareeya ciidamada cirka dalka Uganda, General, Jim
Owesigiri ayaa warbaahinta si wada jira ah ugu sheegay in in
saraakiisha dhinca cirka ee dowladda Uganda wax badan ay ka badali
doonaan amaanka magaalada Muqdisho.
General Aronda Nyakariima madaxa ciidamada difaaca dalka Uganda ayaa
tibaaxay in saraakiisha ay ku howlgali doonaan helicoptero AMISOM ay
leedahay kuwaas oo si gaar ah ula socondoona amaanka xarumaha ay ka
dhacayaan shirarka caalamiga ah iyo doorashooyinka .
“Waa fursad hadda kadib AMISOM ay u heleyso inay sugto amaanka
Muqdisho ,iyadoo isticmaaleysa helicoptero”ayuu ka dhawaajiyay General
Aronda Nyakariima isagoo intaasi sii daray in dowladda Uganda ay ku
dadaaleyso sidii soomaalida ay uga gacan siin leheyda talaabo waliba
oo lagu la dagaalamayo waxa uu ugu yeeray argigixisada
Imaanshaha Ciidamada cirka dowladda uganda ee magaalada Muqdisho ayaa
ku soo aadeysa xilli muddooyinkii la soo dhaafay AMISOM ay heleysay
ballanqaadyo ku aadan in la siinayo diyaarado dagaal oo howlgallo ka
dhan ah Al shabab ka fuliya dalka somalia.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|