Somali News
    Hees  

Cabdirisaaq Faataxo "Lacagta la leeyahay waxaa lunsaday saddexda mas'uul ee ugu sarreysa inteeda badan waxey ku maqan tahay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka"

Holland Talaado 7 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Cabdirisaaq Faataxo "Lacagta la leeyahay waxaa lunsaday saddexda mas'uul ee ugu sarreysa inteeda badan waxey ku maqan tahay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka"

C/risaaq Faataxo oo ka mid ah howl-wadeenada wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay dood ay qabatay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, kuna saabsaneyd lacagihii soo galay dowladda ee ay kooxda {Monitering Group} ku eedeeyeen in ay ku maqan tahay saddexda mas'uul ee ugu sarreeya dowladda ayaa sheegay in isagu uu xog-ogaal u yahay in lacagahaasi in baddan oo ka mid ah ay ku maqan tahay Xisaabiyaha Guud ee Qaran Max'ed rashiid Sheekh.

C/risaaq wuxuu sheegay inaan la iska indho-tiri karin lacago malaayiin dollar gaaraya oo qaab musuq-maasuq ah uu jeebka ugu shubtay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Max'ed Rashiid Sheekh, wuxuuna tilmaamay in sharciyadda xisaabaadka dowladda ku baxa ay soo maraan Xisaabiyaha Guud, cidda wax laga weydiinayana ay tahay isaga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shaqsiga loo dhiibayo xilka Xisaabiyaha Guud lagu soo xulo ALLE ka cabsi, aqoon, daacadnimo, karti & waddaniyad, waase marka la doonayo in dalku uu ka soo kabto dhibaatadda, haddiisa xaaladdu tahay BOOBA, ma jirto cid kaga haboon Max'ed Rashiid.

"Dhibaatadda Soomaalida haysataa waxey tahay ma jirto shaqsi xilka loo dhiibayo lagu sababeynayo inuu aqoonteeda leeyahay, waxaa dadka lagu soo xulaa qabyaalad & nin tooxsi, wuxuuna si aan xishood laheyn qofkaasi ugu takri falaa awoodii Qaranka oo ah mid Soomaali oo idil ka dhexeysa, ninkan Xisaabiyaha ah wuxuu ugu talogalay dhowr milyan oo dollar inuu ku bixiyo inuu noqdo Guddoomiyaha baarlamaanka" ayuu yiri C/risaaq, wuxuuna intaa ku daray.

"Waxaan hayaa caddeyno muujinaya lacago dhowr milyan ah oo uu jeebka ku shubtay, caddeyntaasna waxaan saxaafadda u soo bandhigi doono waqtiga aan fogeyn" ayuu yiri C/risaaq, wuxuuna intaa ku daray muddadii uu ka shaqeynayey wasaaradda maaliyadda inuu la socday in baddan oo ka mid ah dhaq-dhaqaayadda xisaabiyaha, wuxuuna wax la yaab leh ku tilmaamay in muddo dhowr sano ah aanu laheyn xafiis, uuna u dhexeeyey Kenya, Xamar, Dubai & Mareykanka.

"Muddo dhwor billood ah oo aan Nairobi wada joognay waxaan weydiiyey waxa uu Nairobi ka qabanayo wuxuu igu yiri "Nairobi waa waddadii dhaqaalaha loo marinayey Soomaaliya, ceelkii ayaan fadhiyaa, wax kastana taleefan ayaan ku kala hagayaa" intii aan la socday wasaaradaha ayuu taleefan ku wacayaa isagoo qaarkood handadaya, qaar kalena laaluushaya, wuxuuna leeyahay soo gudbiya xisaab xirka haddii kale yaa weylak" ayuu yiri C/risaaq, wuxuuna intaa ku daray in shaqsi ceynkaas ah oo loo dhiibo xil sidaa muhiim u ah inay ka dhigan tahay {dhurwaa ari la raacshay}.

"Dalalka dunidda marka qofku ku dhaco musuq-maasuq ilaa heerkaa gaarsiisan saxaafadu waa in ay soo bandhigtaa musuq-maasuqaasi oo la weydiiyaa halka ay ka soo gashay hantida intaas la'eg, wuxuu yimid Kenya markii xilkan loo magacaabayey isagoo aan waxba haysan xilligii xukuumaddii Cali Geeddi maanta wuxuu ka mid yahay dadka Soomaalida ugu tujaarsan, arrinta kale ee la yaabka leh waxey tahay in marka ay noqoto in beel wax lagu qeybsado waa nin Yantaar ah, marka kale wuxuu sheegtaa Geri-Koombo, waa nin mar walba dhaqaaluhu meesha uu la aado raaca" ayuu yiri C/risaaq, wuxuuna intaa ku daray. "Odayaashii dhaqanka ee uu gacantiisa ku soo xulay ayaa maanta ansixiyey dastuurka, berri waxey ansixinayaan ciddii uu isaga u keeno ma ahan odayaal dhaqmeed sax ah"
C/risaaq wuxuu sheegay in la joogo waqtigii lagu gudbi lahaa in hantida ummadda ay shaqsi ama koox gaar ah jeebka ku shuban lahaayeen.

"Ninka qoriga sita ee ku dilaya waxaa kaaga darran midka qalinka kugu dhacaya ee hantidii ummadda masaakiinta ah loogu talogalay keligiis afka iska marinaya" ayuu yiri C/risaaq, wuxuuna intaa ku daray in 80 xubnood oo lagu wado in ay soo galaan baarlamaanka, kana soo kala jeeda beelaha Raxanweyn, Dir & Hawiye inuu u qeybiyey halkii qof 80 kun dollar, lacagtaasina ay tahay lacag laga dhacay qasnadii dowladda.

"Xubnahan waa dad uu hubo in ay soo galayaan baarlamaanka, wuu sii rahmaday, wuxuuna halkii qof siiyey $60 kun dollar, wuxuuna kula balamay in ay codkooda siiyaan, ninkaan wuu ka dhaqaale baddan yahay Sheekh Shariif & Shariif Xassan waxeyna taasi soo bixi doontaa maalmaha soo socda" ayuu yiri C/risaaq.

"Soomaalidu maanta waxey wax ku qeybsataa habka qabiiliga ah ee 4.5 oo aan ka soo horjeedo aniga, rag waxaa jira si kasta oo ay qabiilka ugu awrkacsanayaan haddana xishooda oo dadkoodi dib u fiiriya, waxaad la socotaan in qabiilkan uu ka soo jeedo Max'ed rashiid lagu tiriyaa dadka ugu baddan e Soomaaliya ku tuugsada (dawarsada), weliba inta badan dadka gacanta ku hoorsada Muqdisho ilaa iyo Boosaaso waa beesha Yantaar oo uu ka dhashay, inkastoo haddan ay dadku yiraahdaan waa beesha Yantaar wuxuu sheegtaa marka ay dan ka soo gasho, dawarsigana waxaa sal u ah abaarta daba dheeraatay & xoolihii oo abaarta ay ka leysay beerihii oo usuura gali waysey in ay tabcadaan beerihii ay ku tiirsanaayeen , Xamar markey u soo qaxeey ayeyba awoodi waayeen ineey dabaraan nolol maalmeedkooda, ayagoo xittaa waayay meel ay roobka kaga onkortaan, dadkaas ayaa waxey macluul ugu nool yihiin guryo laga dhisey geed talaal, waa nolol aadamuhu ku noolaado midda ugu liidata, halka dadka ayaga u matala dowlada ee uu ugu horreeyo Max'ed rashiid ay ka mid yihiin dadka Soomaaliya ugu taajirsan, lacagtaasina ay ka tabcadeen uun DKMG , iyagoo xittaa u quuri waayay ineey ku soo booqdaan kaamamka ay ku nool yihiin oo ku yaala meela u jirta Villa- Somalia wax ka yar 3 km , waa inaan ka gudubnaa in shaqsi ama koox daneystayaal ah ay afduubtaan danaha & masiirka dadkeena, waxaana in shaqsiyaadka daneystayaasha ah sida Max'ed rashiid ay waxgaradka beeshu meel uga soo wada jeestaan" ayuu yiri C/risaaq.

Salah Hassan Omer
s.dheere@hotmail.com

 
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)