|
Finalka Gabdhaha Olombikada oo ay isagu soo Hareen Gabdhihii 2011 Kala qaaday Koobka Aduunka Gabdhaha,Aarsi ma dhici doonaa
Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Finalka Gabdhaha Olombikada oo ay isagu soo Hareen Gabdhihii 2011 Kala qaaday Koobka Aduunka Gabdhaha,Aarsi ma dhici doonaa
Gabdhaha Jabaan vs USA ayaa caawa y u soo Gudbay Kulanka Kama Dambeysta ah ee Koobka olombikada London e 2012 ka dib Markii ay dhulka dhigen Gabdhaha Franca vs Canada
Gabdhaha Jabaan oo 2011 ku guuleystay Koobka Gabdhaha Caalamka ayaa u muuqda kuwa Sanadkaan 2012 Raacin doona Koobka Olombikada dhinaca haweenka waxaana ay Caawa ku jireen 2-1 Gabdhaha Franca.
Lambarka 17 ee Jabaan Nagasato ayaa Daahfurtay Qeybtii hore ee Ciyaarta Goolkoodii ugu horeeyay ka dib markii kubada ay ka soo Fara baxsatay Goolhyaha Gahdhaha Fransa waxaana Lambarka 17 ee jabaan uu u Xuluuliyay Goolka.
Daqiiqadii 49 Lambarka 6 ee Jabaan Sakaguci ayaa u Labeysay Franca oo ay ka Cad Cadaayeen Hase ahaate Franca waxa ay la Timod Gool ay u dhalisay dhamaadkii Ciyaarta Sommer waxana Ciyaartii ay ku dhmatay Gabdha Jabaan oo 2-1 ugu awood sheegtay Franca una Gudbay Finalka Gabdha Olombikada London 2012.
Ciyaartii Mucjisada Noqotay ayaa Caawa waxa sia dag ugu Hardamay Gabdha Canada vs USA,Bilowgii Ciyaarta Kabtanka Gabdha Canada una sitay Lambarka 12 oo aheyd xidigii Ciyaarta Caawa Sinclair ayaa u daahfurtay Canada Goolkii ugu Horeeyay waxaana lagu kala Nastay 1-0 Canada ku Horeyso.
qeybtii danbe Gabdhaha Mareykanka waxa ay iska soo guden Goolkii looga Horeeyayw axaan Gool u dhalisay Lambarka 15 Rapinoe Daqiiqadii 54,Wax Yar ja dib Canada waxa u dhaliyay Goolkii 2 daqiiqadii 68 Kabtan Sinclair,Mareykanku kuma niyad jabin Madaxa ay ka dhalisay Kabtanka Canada waxaana Gool qurux Badan ugu Barbareeyay 15ka Rapinoe Daqiiqadii 71aad.
Gabdhah Canada oo ku Dadaaleyay inay Markasta Hogaanka qabtaan ayaa waxaa Goolkii 3 u dhaliyay Kabran Sinclair oo sidatay Lambarka 12 Goolkaasii ka Nixiyay Gabdha Mareykanka.
Dhamaadkii ciyaarta Rigoore ay heleen Marekanka waxa aGool u badalay Lambarka 14 oo ah xidigad ay si weyn ugu tiirsan Yihiin Ciyaaryahnadaasi oo lagu Magacaabo Wambach waxna Ciyaartii ay ku dhamaatay xiligii loogu Tala galay 3-3.
sida sharcigu qabo 30 daqiiqo oo dheeraad ah aaya loogu daray Gabdha Canada vs USA.
weerar iyo werar celis ayey labada dhibac isku qaadeen iyadoo Goolahayaha Canada uu Badbaadiyay Fursado Muhiim ah.
dhamaadkii Ciyaarta Daqiiqadii 120 xili la sugayay Rigoorayaala aya waxaa Goolkii Guusha ee 4 Madaxa siw acan ugu dhalisay Xulka Mareykanka Lambarka 13 oo ka mida xidigaha Gabdhaha Mareykanku ku duulayaan Ciyaarayahanada lagu Magacaabo A.Morgan oo kubad la soo laanjeeyay si wanaagsan Madaxa u Raacisay waxaan Ciyaartii ayb ku soo idlaatay USA oo Farxad Garoonka kala Dareertay iyo Gabdhaha Canada oo ka xun xiliga Tarabuunka la saaray waxaan Fibalka Isagu Yimid Jabaan vs Mareykanka oo sanad ka hor 2011 isagu Yimid Finalkii Gabdha Aduunka oo Rigoorayaal ay Jabaan ku qaadeen.

Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
Uurdoox2011@hotmail.com
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|