|
Dood cilmiyeed looga hadlayay sida kor loogu qaadi karo ganacsiga oo maanta Muqdisho lagu qabtay
Mogadishu Talaado 7 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dood cilmiyeed looga hadlayay sida kor loogu qaadi karo ganacsiga oo maanta Muqdisho lagu qabtay
Dood cilmiyeed looga hadlayay sida kor loogu qaadi karo ganacsiga dalka si uu u kobco dhaqaalaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen Ganacsato isugu jiray Ragg iyo Dumar.
Dood cilmiyeedkan oo ay soo qaban qaabisay Hey'adda CCD ayaa waxaa looga hadlay marxalada xilligan ee Ganacsiga dalka, iyadoo ganacsatada ay ku lafa gureen arrimo badan oo la xiriira horumarinta ganacsiga.
Gudoomiyaha Haweenka ee Hey'adda CCD Sahro Maxamuud Amiin oo ka hadashay furitaanka dood cilmiyeedka ayaa sheegtay in ganacsatada looga baahan yahay inay isku xirnaadaan, isla markaana ay kobciyaan dhaqaalaha dalka.
Ganacsade C/llaahi Dahir Maxamed ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu qeyb ka yahay daqliga ka soo xarooda dekedaha dalka, isagoo soo hadal qaaday Dekeda Kismaayo oo uu xusay in dhaqaalaheeda gacanta ugu jiro Al-Shabaab, isla markaana ay ka mid tahay afarta Deked ee ugu dalka, waxaana uu intaa ku daray inay rajeynayaan in dowladda la wareegto, dhaqaalaha ka soo xarooda loo isticmaalo sidii dhibaatada ka jirta gobolada Koofureed lagu maareeyo.
Ibraahim Maxamed Mahad ayaa isna sheegay in xaalufinta dhirta ay qeyb ka tahay nabaad-guurka deegaanka, isagoo cadeeyay in loo baahan yahay in la joojiyo dhoofinta dhuxusha ee ka socota Dekedaha.
Waxaa kaloo dood cilmiyeedka ka hadlay Xasan Axmed Shardi oo tilmaamay in sida ugu haboon ee la isugu xiri karo ganacsatada ay tahay, inay midoobaan, si ganacsiga dalka kor loogu qaado.
Ganacsade Cali Sheekh Xasan oo ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa ku amaanay Hey'adda wada hadalka bulshada kulanka ay u qabatay Ganacsatada, waxaana uu tilmaamay inay haboon tahay in la ballaariyo ganacsiga dalka.
C/qaadir Maxamed Maalin ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sugo ammaanka goobaha ganacsiga, waxaana uu ugu baaqay ganacsatada inay bixiyaan canshuurta dalka, si ammaanka wax loogu qabto.
Caasho Muxiyadiin oo ka mid ah haweenka ganacsatada ayaa iyana xustay in goobihii ganacsiga ee bur buray ay tahay in dib u dhis dowladda ku sameyso, si bilicdeeda loo soo celiyo, waxaana intaa ay raacisay in haweenka ganacsigooda qeyb ka yahay dahabka, waxaana ay soo qaadatay in goobaha dahabka lagu iibiyo ee wadooyinka ay yihiin ciriiri, si loo ballaariyo ay dowladda meel u sameyso.
Ugu dambeyn dood cilmiyeedka ayaa ka qeyb galayaasha oo u badnaa ganacsatada ay fikrado iyo aragtiyo isku weydaarsaday sida lagu kobcin karo ganacsiga, laguna hormariyo, si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, waxaana ay muujiyeen in ganacsatada ay yihiin tiirka bulshada Soomaaliyed.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|