Somali News
    Hees  

Kooxo hubeysan oo dagaal qasaare geystay ku dhex maray degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud

Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kooxo hubeysan oo dagaal qasaare geystay ku dhex maray degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in degmada Balanbal uu xalay ka dhacay dagaal qasaare geystay, kaasi oo dhex maray kooxo hubeysan oo halkaasi ku sugan.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya degmada Balanbal ayaa sheegaya in dagaalka xalay ka dhacay degmadaasi ay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhaawacooda lagu dabiibayo isbitaalka deg. Cabudwaaq.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in dhinacyada halkaasi ku dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolada dhexe ka arrimiya.

Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee halkaasi ka arrimiya ayaa ku guuleystay inuu kala dhex galo maleeshiyaadka dagaalamay, iyadoo saakay xaaladda ay ku soo noqotay sideedii hore.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)