Somali News
    Hees  

Shirki Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo dib u furmay iyo Dowlado waaweyn oo sameyn ku yeeshay warbixin 

Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Shirki Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo dib u furmay iyo Dowlado waaweyn oo sameyn ku yeeshay warbixin 

 Waxaa manta  Duleedka Magaalada Nairobi dib uga furmay Shirki Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ay garwadeenka ka ahayeen Urur Goboleedka Igaad iyo Beesha Calamka.

Gudiga Farsamada Maamul usmaeynta Jubboyinka  iyo Gedo ayaa waxaa la siyay Maalmo fasax ah madaama ay qabteen howl culus oo inta badan  socota habeynki iyo Maalintiba.

Fasax ka dib waxaa manta dib iskugu soo labtay  Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubbaland  oo ayagu  ku howlan  dhamaystirka waxwalba oo laga bahan yahay Maamul goboleed buuxa sida Dastuurka ,Calanka, Caasimada, goobta uu ka dhacayo  Shirweynaha ay iskugu imanayaan Ergoyinka  matalaya  gobolada Jubboyinka iyo Gedo iyo qodobo kale oo badan.

Gudiga  Farsamada ayaa waxaa lagu wada in ay  kulankoodan   manta uga doodan qabdhismeedka Dowlad Goboleedka Jubbaland State sida inta uu ka kobmaayo Barlamanka  Jubbaland State Golaha Wasiirada Jubbaland State  qaabka ay u dhacayso Doorashada Madaxweynaha Jubbaland  State inta madaxweyne ku xigeen ee lo samaynaayo  Dowlada Goboleedka Jubbaland  State inta sano oo uu xilka haynaayo Madaxweyne lo dorto ee Jubbaland State  iyo qodobo badan oo kale.

Gudiga Farsamada ayaa waxaay horay  iskula soo afgarteen qodobo badan waxana wali u dhimaan qodobo kale oo u bahan  bislayn iyo in ay ka kulmaan  Saxiixeyaasha Qariirada Nabada Jubbland.

Qodobada  ila iyo hada la isla meel dhigay ayaa waxaa ugu weyn  in Magaca  Maamul Goboleedka Jubboyinka iyo Gedo  lo bixiyo Jubbaland State of Somalia.

in Doorashada Madaxweynaha ay soo dortaan  Ergoyinka  ka kala imanaya Gobolada Jubboyinka iyo Gedo.

In Gogosha ay ka dhacayso Doraashada madaxweynaha  Jubbaland State laga dhigo  Gobolka Gedo qaas ahaan Magaalada Doolow sidaaan ka so xigaanay ilo xog ogaal ah oo qayb ka ah Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

In Barlamanka Jubbaland laga  dhigo 60 Xildhibaan kuwaas oo ka kala imanay  deeganada ay ka  koobantahay  Jubbaland State inkasta oo qodobkaan barlamanka ay wali doodisa tagan tahay.

Dhamaan qodobadan la isla meel dhigay iyo kuwa aan wali la isku afgaraan waxaa lo gudbin doona Saxiixeyaasha Qoriirada Nabada Jubbaland si ay wax uga badalan waxna ugu daran ka dib na ay u saxiixan si qodobadaasi ay u dhaqan  galaan.

Dhanka kala waxaa Magaaloyinka  Nairobi iyo Muqdisho ka socda  Kulamo  masuliyiin katirsan Saxiixeyaasha Jubbaland ay kula yeelanayan dhaaman beelaha ka soo jeeda Gobolada Jubboyinka iyo Gedo waxaana kulamadaasi diirada lagu saraya  sidi  beelaha somaliyeed ay si isku mid ah uga qayb qadan lahayeen  Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxana kulamadaasi  wada Masuliyinta  Ahlusunna iyo Raskambooni ugu jira Saxiixeyaasha Qariirada  Nabada Jubbaland.

Gudomiyaha Raskambooni Sh Axmed Madoobe Col. Cabdi Cigaal, oo ka tirsana Saraakishi Jubboyinka iyo Masuliyin iyo Waxgaradka soo jeeda beesha Sade sida Imaam rashiid Garaad cabdi dheere Carabey cabdi salaan Maxamed cabdi oo Nairobi ku kulmay
Gudomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh. Maxamed Aw-libaax oo la kulmay Beel ka mid ah beelaha Daga Jubboyinka iyo Gedo iyo Maamul usameynta jubboyinka kalana hadlay Maamulka lo sameyn rabo Goboladaasi.

Urur Goboleedka IGAAD iyo Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriska  ayaa waxaay wadan howlo ay ku dardar galinayaan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayago shegay in nabad ka dhalata Jubbaland ay furo u tahay  Xasiloonida Geeska Afrika waxana shirka uga qaybgalaya wakiilo ka socda.

Ugu danbeyn Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriska iyo waliba Urur Goboledka IGAAD ayaa horay ugu cadaadiyay  Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Somalia  in uu Aqonsado Maamul Goboleedka Jubbaland State waxana ugu danbeyn Madaxweyne Shariif uu aqonsi buuxa siyay Maamulka Jubbaland State.
————————————–
Asad Adan
Nairobi-Kenya

 

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)