Somali News
    Hees  

Maxaa kala heysta Finalka Olombikada london 2012 Mexsico vs Brazil ka dib Markii ay Xalay Xasuuqeen wadamadii Aasiya Matalayay

Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maxaa kala heysta Finalka Olombikada london 2012 Mexsico vs Brazil ka dib Markii ay Xalay Xasuuqeen wadamadii Aasiya Matalayay

Xulalka Wiilasha Mexsico vs Brazil ayaa Xalay u soo Baxay Finalka Tartanka Olombikada London 2012 ee dhinaca Kubada Cagta ka dib Markii ay guuldaro xoogan Gaarsiiyeen Wadamada Jabaan vs Koonfurta Kuuriya oo kula loolamayay Sami finalka Tartankaan.

Xulka Mexsico ayaa 3-1 ku Jiiray jabaan oo kal hormartay Goolka Bilowgii Ciyaarta waxaan Goolsha ay ku Badyeen Xidigaha Mexsico kala dhaliyay Lambarada 8,9,iyo 7 oo isgau dhaliyay Dhamaadkii Ciyaarta,halka Goolka ay ku Hormaren jabaan uu saxiixay Lamabarka 7.

Ciyaartaan waxaa Gacan sareeyay Mexsico oo afka ciida u dartay Jabaan oo hore gabdhahoodu u soo baxeen Finalka Gabdha Olombikada London waxaana la is weydiinayay inta Ciyaartani bilaaban amay wiilasha jabaan iyaguna u talaabaan Finalka,hase ahaatee waxaa Taako u dhigay Madaxana u Laabay Mexsikco oo wareegii 8 soo dubatay Xulka Sanegal ee ka socday qaarada afrika.

Kulankii xigay ee la wada sugayay waxa uu dhexmaray Xulalaka Brazil vs Koonfurta Kuuriya waxana Bilowgii ciyaaratan dardar la soo gashay Kuuriya oo iska qasaarisay Fursado dhowr ah.

intii lagu guda jirtay qeybtii hore kubad uu soo dhigay 10ka Brazil Oscar waxaaa gool u badalay lambarka 8 Ramulo waxaan qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 lagu Hogaaminayo Koonfurta Kuuriya.
Qeybtii Labad Markii la isagu soo Laabtay Xulak Brazila aya la wareegay Maaulka Garoonka Waxaana Bilowgii qeybta Labaad shabqa dhex dhigay Gool qurux badan Leonardo oo u sitay Lamabrka 9 kaasoo baas ka helay 11ka Brazil Neymar.
Goolki 3 waxaa u Raaciyay Koonfurta Kuuriyaisla Lamabrka 9 Ciyaaryahn Leonardo Daqiiqadii 64 waxaan Ciyaartii ay ku soo Gaba gabowday Brazil oo jidkii Jabaan la Mariyay iyaduna Marsiisay Koonfurta Kuuriya ka dib markii ay uga Taqlustay 3-0.
Finalka Tartanka Kubada Cagta Olombikada London ee dhinaca Wiilsha waxaa isgau soo haray Mexsico vs Brazil oo ay Hor Boodayaan 2 xidig ee kala ah Dos santos 10ka Mexsico vs Neymar 11ka Brazil waxaana la ogaan doonaa kan la dheelmada Bilada Dahabka ioyo Koobka Kubada Cagta.

N.B. 2008 Messi iyo xulkisa arjantiin ayaa ku guuleystay Kubada Cagta wiilsha Koobkii Olombikada ee lagu qabtay Shiinaha waxaaan ay ka qaadeen Neyjeriya oo ay uag badiyen Gool uu qalinka ku duugay Di Maria.

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle' Uurdoox'
uurdoox2011@hotmail.com

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)