|
Erastus Mwencha : "Sadexdii sanno ee la soo dhaafay waxanu ku bixinay hawlgalka ciidamada AMISOM lacag dhan 300 oo million oo Dollar..."
Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Erastus Mwencha : "Sadexdii sanno ee lasoo dhaafay waxanu ku bixinay hawlgalka ciidamada AMISOM lacag dhan 300 oo million oo Dollar taasoo waxyaabaha aan ku bixinay ay ku jiraan ciidamo, iyo qalab ciidan oo ay ka mid yihiin Taangiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca..."
Ururka Midawga Africa ayaa sheegay in ciidamooda kusugan gudaha Soomaaliya ee AMISOM ay haysato xaalad dhaqaalo xumo ah oo aad u daran.
Gudoomiye ku xigeenka uruka midawga Africa Erastus Mwencha oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Mombasa ee wadanka kenya oo looga hadlayay amaanka gobolka ayaa waxaa uu sheegay inay la dhibban yihiin dhaqaalo la’aan heysata ciidamooda ku sugan gudaha Soomaaliya.
Erastus Mwencha waxaa uu sheegay in Sadexdii sano ee la soodhaafay midawga Africa uu dhaqaalo badan ku bixiyay hawlgalka AMISOM waxaana uu intaa ku daray in wadamada beesha caalamka ay uga baahan yihiin inay dhaqaaloka helaan si loo sii wado hawlgalka amaanka lagu sugayo sida uu yiri.
"Sadexdii sanno ee lasoo dhaafay waxanu ku bixinay hawlgalka ciidamada AMISOM lacag dhan 300 oo million oo Dollar taasoo waxyaabaha aan ku bixinay ay ku jiraan ciidamo, iyo qalab ciidan oo ay ka mid yihiin Taangiyo iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca" ayuu yiri Erastus Mwencha oo ah ku xigeenka gudoomiyaha ururka midawga Africa.
Inkastoo ay ciidamada AMISOM ay isku fidiyeen deegaano ka fog fog magaalada haddana waxaa uu sheegay mas’uulkaassi u hadlay ciidamada AMISOM in dhaqalo yaraantaasi ay hakad galin karto hawsha ay wadaan waxaana uu ka dalbay Q,M Midawga Yurub Maraykanka iyo wadamada kale ee taageera inay dhaqalo lasoo garaan ciidamada.
Dhawr jeer oo hore ayaa laga dhawaajiyay in ciidamada AMISOM ay dhaqaalo la’aan haysato haddana waxay helaan daryeel ka badan kuwa ay helaan ciidamada dawlada Soomaaliya oo ay wada dagaalamaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|