|
Magaalada Bristol oo Xalay Afur iyo Casha Sharfeed loogu Sameeyey Orodyahanada Zam iyo Maxamed
Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Magaalada Bristol oo Xalay Afur iyo Casha Sharfeed loogu Sameeyey Orodyahanada Zam iyo Maxamed
Xafladan Afur iyo Casha Sharafeedkan lagu maamuusayey Oradyahanada
Dalkeena matalayey ee kala aha Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan
ayaa xalat si heer sare ah uga qabsoontay Magaalada Bristol ee Dalkan
Ingiriiska.
Munaasabad oo aheyd mid looga mahad celinayey Oradyahanada iyo GudigII
Olombikada ee uu horkacayey Cumar Cabdiqadir Baarajab oo kamida
Laacibiinta Dalkeena soo maray ayaa ku bilaabatay jawi farxad leh
iyadoo furitaankii uu kusoo dhaweeyey Prof Cumar Sabriye oo kamida
Odayaasha Magaalada iyadoo uu usheegay in Bristol tahay magaalo
Soomaalida ku nool ay ku caan baxeen Soomaalinimo iyadoo sidoo kale uu
ka hadlay Agaasimaha hey`ada Actoforsomalia oo ah hey`ada soo
Casuuntay Wafdiga Olombikada Mudane Maxamed Cantoobo, isagoo sheegay
in ay farxad u tahay in Hey`ada Actoforsomalia in ay isku howsho
markasta arimaha quseeya isku dumida shacabkeena Soomaaliyeed.
Madasha sidoo kale waxaa ku hadlay Magaca Haweenka Maama Xaliimo oo
sheegtay in Qiirada heysa Caawa ee ay u qabto Orodyahanadan Magaceena
matalay ay ka balaaran tahay Bada iyadoo markii danbe Buraanbur u
tirisay Zamzam iyo Maxamed oo ay kaga hadleysa halgankey u galeen kor
u qaadida Calankeena, sidoo kale waxaa ka hadlay wax garad fara badan
oo iyagu aad ugu faraxsanaa in Caawa Bristol ay kusoo booqdaan dhamaan
wafdiga Olombikada gaar ahaan Labadan Ciyaar yahan iyo Macalinkooda
Axmed Abiikar oo isagu horey ciyaar yahan ciyaraha fudu usoo ahaa.
Sidoo kale Xaflada gabay si cajiiba loo laxameeyey ka qaadya Fanaanka
da`ada yar ee Ceydaruus mali boy kaasoo uu ugu talagalay Labadan
orodyahan kana hadleysay in ay yihiin ubadkii colaadaha oo aanan helin
waxkastooy ku hormarin kareen awoodooda oradeed si lamida kuwa
wadamada Caalamka, sidoo kale Xoghayaha Xiriirka Kubada Koleyga Mudane
Siciid Faarax Ducaale ayaa isna madasha ka hadlay isagoo aad ugu mahad
celiyey sida sharafta leh ay reer Bristol ugu sameeyeen Maamuuskan
iyadoo Mudane Siciid lagu xusuusto Gabdhihii Kubada Koleyga ee Dalal
Badan o Carbeed dhabanka dhulka u dhigay in uu horkacayey.
Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Laliska Prof Maxamed Cali Cadow ayaa isna
ka hadlay Madasha aadna ugu mahad celiyey Xafladan, isagoo sidoo kale
ka sheegeeyey sida ay ku wadaan howlaha hormarinta Isboortiga
Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Gudiyada Olombikada ay yihiin kuwa ay
hogaamiyaan Soomaali isku dhaf ah oo aan Jufa kaliya aheyn, Doorashada
soo socota ee Olombikadana ay u furan tahay bahda Isboortiga in ay
isku soo taagaan,
Rugcadaagan shaqada Isboortiga kaga soo biiray
Wasaarada Isboortiga sanadkii 1974 ayaa sheegay in Oradyahan Maxamed
Xasan uu sameeyey record cusub muda 35 sano aysan soomaaliya sameyn,
isagoo sheegay xitaa sanadkii ugu horeyey ee tartan Caalami uu ka
qeybgalo Cabdi Bille uusan sameyn sidaa darteed Maxamed Xasan la isku
raacay in uu leeyahay mustaqbal weyn.
Sidoo kale Gudoomiyihii Wafdigii Olombikada ee ka qeybgalaaya
Ciyaaraha ka socda dalkan Ingiriis Mudane Cumar Cabdiqadir Baarajab
ayaa sheegay in Magaalooyinkii ay soo mareen Dalkan Ingiriiska ay
tahay Magaalad Bristol magaalada ugu wanaagsan ee ay booqdaan isagoo
uga mahad celiyey isku duubnidooda,isagoo sidoo kale sheegay in
Arintii Calan qaadka Cabdi Bille ee suuragalin weysay aysan aheyn mid
iyaga katimid balse xaga Olombikada aduunka sharci ay soo rogeen ay
tahay wuxuuna sheegay in Maxamed Xasan liistiga Olombikada Aduunka ay
soo saartay uu ka galay kaalinta 24 ayna ka hooseeyaan ilaa 6 wadan
taasna ay u tahay sharaf.
Xafladan oo aheyd mid aad looga soo shaqeeyey ayaa gunaanadkii waxaa
ka hadlay Cabdi Rubac oo ku hadlayey Hey`ada Actforsomalia isagoo uga
mahadceliyey Gudiga Olombigada sida sharafta leh ay u aqbaleen imaan
shiyahooda Magaalada Bristol,sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Kasoo
qeybgalayaasha, iyadoo Xafladan uu Xiriirinayey Wariye Maxamed Barre
Xaaji (Fiyoore) iyadoo Zamzam laga codsaday in ay qaado Heestii
wadaniyada ee lagu bartay taasoo Zamzam aqbashay, iyadoo markaa
Xaflada.
kusoo gaba gabowday farxad iyo Hambalyo loo tabinaayey
Oradyahanadeena Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan.








Maxamed Barre Fiyoore
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|