|
Dagaal dhaliyay khasaare isugu jira dhimaswho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Deegaanka No 50
Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dagaal dhaliyay khasaare isugu jira dhimaswho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Deegaanka No 50
Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa xalay weerarta fadhiisimo ciidamada Dowlada KMG ah ay ku lahayeen deegaanka No 50 ee dhawaan gacan ku heyntiisa ay la wareegeen.
Weerarka ayaa la sheegay inay ku ku geeriyoodeen dad uu ka mid ahaa gudoomiyihii deegaankaasi ninka lagu magacaabo Cabdi Cali Xassan Cabdi "Shamiito".
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha lagu toogtay gurigiisa kadib gurigiis ay u galeen maleeshiyadka Al-shabaab ee xalay weerarka ku qaaday No-50.
Dagaalka oo socday mudo kooban ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, balse si rasmi ah looma oga inta uu la’egyahy khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Cabdi Shamiito ayaa dhawaan loo magcaabay gudoomiyaha deehaanka No 50 oo shan maalin ka hor kooxda Al-shabaab laga faramaroojiyay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|