|
XMJS oo u dabaal degay sanadguuradiisa 14aad soona war-murtiyeed dhinacyo badan
Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

XMJS oo u dabaal degay sanadguuradiisa 14aad soona war-murtiyeed dhinacyo badan.
Xaflado ku saabsan sanadguuradii 14aad ee ka soo wareegtay aasaaskii
xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo
taariikhdu tahay 6-da bisha Agoosto ayaa lagu qabtay xarunta xisbigaas
ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo9 Heeso ka
turjumaya waxqabaadka xisbiga kuwaasoo ay soo bandhigeen koox fanaan
ah oo xisbigaas uu leeyahay, iyadoo sidoo kale ay buraanburo ka
tiriyeen haweenka xisbigaas.
Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) oo
khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa ku dheeraaday taariikhdii,
waxqabadkii xisbigaas iyo marxaladihi kala duwanaa ee uu soo maray
isagoo xusay in xisbigu uusan aheyn mid qabiil, kana mid aheyn kooxaha
hubeysan ee dalka ka jira ama soo maray.
“Maanta taariikhdu waa 6-da bisha Agoosto waxay ku beegan tahay
sanadguuradii 14aad ee ka soo wareegtay asaaska xisbiga midnimada
Jamhuuriga Soomaaliyed, anigoo ku hadlaya magaca gudoomiyaha xisbiga
iyo keygaba waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyed
gaar ahaan taageerayaasha xisbiga ee kala jooga gudaha iyo dibeda
dalka waxaana ALLE uga baryayaa inuu sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo
barwaaqop nabad iyo guul” ayuu yiri Mudane Timajilic.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) ayaa
sheegay in xisbigala aasaasay 14 sano ka hor ka dib markii madaxda
xisbiga ay arkeen baahida loo qabo xisbi noocan ah, sababo la xiriira
duruufaha adag ee dalka ka jiray awgeed, isagoo xusay in ujedooyinkii
loo aasaasay ay wax badan ka qabsoomeen kuwa kalena ay tiigsanayaan
mustaqbalka sidii ay ku gaari lahaayeen.
“Ujeedooyinka iyo hadafka xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed
ayaa waxaa ka mid ah in xukunka loo maro doorasho xalaal ah oo ah hal
qof iyo hal cod lana joojiyo qabiilka iyo qoriga la daba ordayo oo
siyaasiyiinta qaar ay moodeen iney wax ku noqon karaan hase ahaatee
lagu hungoobay” ayuu yiri Cali Maxed Nuux (Timajilic).
Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux
(Timajilic) ayaa sheegay in gudoomiyaha xisbiga ahna musharax u taagan
xilka madaxweynaha Somalia C/nuur Axmed Darmaan uu maalmaha soo socda
soo gaari doono dalka si uu bilaabo ololaha doorashada dhowaan uu u
tartami doono.
Xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaaliyed oo maanta u dabaal degay
sanadguuradiisii 14aad ayaa ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jira
dalka, kuwaasoo ka hufan, qori, iyo qabiil, aminsana in xukunka dalka
lagu raadiyo dimoqraadiyad, shacabkuna ay so xor ah u doortaan
madaxdii hogaamin laheyd mustaqbalka.
Waxaa xusid mudan in munaasabado kale oo tan la mid ah ay ka dhaceen
qaar ka mid ah magaalooyinka gobolada dalka iyo dibeda waxaana
khudbado ka jeediyey wakiilada xisbiga ee magaalooyinkaas jooga.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|