|
Ciidamo Boolsi ah oo ka socda midowga Afrika oo howlgal ka bilaabay saldhigyada Muqdisho
Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamo Boolsi ah oo ka socda midowga Afrika oo howlgal ka bilaabay saldhigyada Muqdisho
Waxaa saldhigyada magaalada Muqdisho ka bilowday inay ka howlgalaan Ciidamo Boolis ah oo ka socda Midowga Afrika, Ciidamadaan Booliska ah ayaa iyagu ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka doorashada la filayo in bishan dhamaadkeeda ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Booliskaan cusub ee AMISOM ayaa si weyn loo filayaa inay u adkeeyaan xiliga doorashada wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo halka ay ka dhacayso Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, iyadoo Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud uu sheegay in Ciidamada Booliska ay soo gaareen magaalada Muqdisho kana qeyb qaadan doonaan xoojinta ammaanka Caasimada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in Ciidamadaan Booliska ah ay ka socdaan dalka Uganda, wuxuuna sheegay Afhayeenku isagoo la hadlaayay Idaacada BBC-da in Ciidamadan ay hordhac u yihiin Ciidamo kale oo Boolis ah oo ka imaanaya dalalka Nigeria, Sierra Leone iyo Jabuuti.
"Ciidamadaan Booliska ah waa kuwo la shaqeynaya Booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadanayaan sidii loo adkayn lahaa ammaanka Muqdisho" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM oo sheegay in howsha ugu horeysa tahay sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka shacabka, isagoo cadeeyay inay kan howl galayaan Saldhigyada Booliska.
Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in Ciidamo Boolis ah ay u soo dirayaan Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida ammaanka Muqdisho, kadib markii Al-Shabaab laga saaray magaalada sanadkii hore.
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo ay howlgal ka bilaabaan Ciidamo Boolis ah oo ka socda Midowga Afrika Magaalada Muqdisho, kadib markii lagu arkay wadooyinka Kolonyo cusub oo ku buufsan Calaamada AU Police oo ka duwan kuwii lagu yaqiinay Ciidamadii AMISOM ee Milateriga ahaa ee lagu arki jiray Wadooyinka Muqdisho.








Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|